(Hargaysa) 02 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Hargaysa laga soo sagootiyay maxaabiis Soomaaliyeed oo xukunno dhaadheer gudanayay oo ku xirnaa magaalada Hargaysa.
Maxaabiistan oo degaan ahaan gebi ahaanba kasoo jeeda degaanno ka tirsan Galmudug ayay tiradoodu tahay 19 qof, waxaana lagusoo wareejiyay wefdi uu hoggaaminayay Maxamed Xasan Xaad oo arrintaa u tegey magaalada Hargaysa.
MW Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo habeen hore odayadaasi casho sharaf u sameeyay ayaa la sheegay inuu cafis u fidiyay maxaabiistan, waloow aan la ogayn sida ay taasi ku hirgashay.
Sababtoo ah maxaabiistan oo burdad badeednimo lagu qabtay ayaa awal ku xirnaa gasiiradda Sychelles ayaa Somaliland loo geeyay inay ahayd meel amaan ahaan loo door biday maadaama ay Somalia inteeda xilligaa qasnayd, waqtigaas oo ahayd 2009-kii.
Si kastaba, maxaabiistan ayaa si sharaf leh loosoo sagootiyay iyadoo dayuurad khaas ah looga soo qaaday magaalada Hargaysa iyagoo ka degaya magaalada Gaalkacyo.
Hadalsame Media