
(Seoul) 01 Agoosto 2019 – Booliiska magaalada Seoul ee caasimadda Koonfurta Kuuriya ayaa baaris ku bilaabay Cristiano Ronaldo si ay u ogaadaan inuu jebiyay sharciga South Korea, kaddib markii uu kasoo muuqan waayay ciyaartii Xiddigaha Horyaalka K League All-Stars iyo Juve.
TheFasta, oo agaasintay ciyaartan saaxiibtinnimo ayaa ku hanjabtey inay dacwaynayso Juventus oo aan dheelsiinin laacibka Ronie, tiiyoo ay heshiiska ku jirtey inuu ciyaaro.
Taageerayaasha South Korea ayaa iyaguna qarreen u qabsaday arrin iyagoo sheeganaya magdhow gaaraysa €50m oo euro.
Warsidaha AS ayaa haatan qoraya in Booliiska Seoul Metropolitan Police ayaa baaritaan ku wada haddii uu Ronaldo uu dembi galay maadaama uu ixtiraami waayay qandaraaskii la kala saxiixday.
Kooxda Bianconeri ayaa ku doodaysa in 34-jirkani uu muruqa wax ka qabey, sidaa darteedna uusan kulankaa kasoo muuqan karaynin.
Hadalsame Media