Hay’ado Somalia ka howlgala oo shaqaalaha ku xira afka Sawaaxiliga (Waxaa horay u jirey afka Amxaariga)

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2019 – 30-meeyo hay’adood ayay gaarayaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee xafiisyadoodi dib uga furtay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo kamid ah 78 hay’adood oo qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo tan iyo 1991-kii si KMG ah ugu sugnaa magaalada Nairobi.

Sidaasi oo ay tahay haddana qaar kamid ah hay’adahaasi u soo guuray dalka, ayaa sida muuqata aan wali u hoggaansamin hannaanka shaqaaleysiinta Soomaaliya ee ah in mudnaanta koowaad la siiyo muwaadinka Soomaaliga ah.

Hay’ada IOM ayaa lagu eedeynayaa in si aan sharci ahayn ay u xayaysiisay shaqooyin ka bannaan, taasi oo sharuudaha ay ku dartay in qofka ay u qaadaneyso howlaheeda la xiriira Soomaaliya uu si wanaagsan ugu hadlikaro luqada Sawaxiliga.

Waxaa horay eedeymo noocan oo kale ah loogu jeediyay Xafiiska Midowga Yurub, AMISOM iyo Hay’ado kale oo shaqaalaha ay qaadanayaan ku xiray in aysan Soomaali ahayn ama in ay si wanaagsan ugu hadlikaraan Afafka Sawaaxili ama Amxaariga.

Arintan ayaa si toos ah u quseysaa wasaaradda qorsheynta oo ah albaabka ay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa QM ka soo galaan dalka, iyo wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada oo u xil saaran ilaalinta xuquuqda iyo fursadaha shaqo ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ka sokoow in Soomaaliya ay dal-batay in hay’adahaasi ay u soo guuraan gudaha Soomaaliya si loo ogaado wax qabadkooda isla markaana ay fursado shaqo uga helaan dadweynaha Soomaaliyeed ayaa waxaa jirta in Kenya dhankeeda ay qaaday talaabooyin noocaas ah oo ay cadaadis ku saareyso QM oo ah in fursada koowaad ee shaqo la siiyo muwaadiniinta Kenyanka ah.

Ma jirto sabab hay’adaha soo dagay Soomaaliya ay wali qeyb kamid ah shaqaalahooda ugu sii hayaan Kenya ama ay ugu baahdaan in ay shaqaaleysiiyaan shaqaale cusub oo Kenyan ah.

Sidaasi si lamid ah ma jirto sabab ay dowladda Soomaaliya uga aamusto in hay’adihi balan qaaday in ay soo guuraan ay wali qaar kamid ah shaqaalahoodu sii joogaan kenya, iyada oo ay dalka Joogaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka baxay jaamacadaha oo shaqo la’aan ah oo ka faa’ideysan- kara fursadaha shaqo ee hay’adahaasi ka bannaan.

Ogoow waxa ay Kenya nala wadaageyso waa fursado shaqo oo ka bannaan Soomaaliya ama khuseeya Soomaaliya taasi oo ay xaq ulahaayeen oo kaliya muwaadiniinta Soomaalida ah.

Waxaa Diyaariyay: Ayaanle Xuseen Cabdi

Hadalsame Media