(Dooxa) 01 Agoosto 2019 – Waxaa nasoo gaaraysa inuu goor dhow geeriyoodey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.
Inj. Yariisoow ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax 24-kii Luulyo ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, halkaasoo ay ku dhinteen qaar badan oo ka tirsan madaxdii Gobolka, halka ay qaar kale ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha ayaa mari lahaa qalliin kale, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qadar oo lagu daweynayey. Alle naxariistii Janno ha siiyo. Amiin.
Arrinta qaraxa ayaan weli laga soo saarin xog ku saabsan sida ay ku suurta gashay, maadaama xarunta si wayn loo ilaalinayay.
Hadalsame Media