13 badmaax oo Kenyan ah oo Somalia ”lagu adoonsanayay” oo dalkoodii ku noqday!

0

(Mombasa) 01 Agoosto 2019 – 13 bad maax Kenyan ah oo Somalia lagu haystey ayaa dalkooda iminka ku noqday.

Badmaaxyadan ayaa la sii daayay kaddib markii ay ka wada xaajoodeen madaxda labada dal ee Somalia iyo Kenya, si loo soo furto dadkan oo xaalad addoonsi ah oo kale ah ku jirey.

“Xaalad adag baannu kala soo kulannay Somalia, mana xitaa ku fikiraynin inaan abid Kenya kusoo noqonayno,” ayuu yiri Mitau Makau, oo saxaafadda kula hadlay Mombasa.

Badmaaxiintan ayaa la sheegay in bishii Abriil loo sheegay inay qoranayso dooni kalluumaysi oo Thailand laga leeyahay, taasoo markii dambe noqotay Soomaali.

Makau ayaa sheegay in ay shaqaynayeen muddo 4 bilood ah iyagoo aan shilin la siinin oo ka shaqaynaya dooni ay saarnaayeen 50 qofood ay Soomaali ku jirto.

Badmaaxyada ayaa bishii Kenya laga siiyaa 26,000 oo Shilinka Kenya ah (260 doollar).

Hadalsame Media