Shaki dhanka amaanka ah oo ka dhacay gegada Aadan Cadde (Dayuurad dib u dhacday)

0

(Muqdisho) 31 Luulyo 2019 – Maanta aniga oo ka duuli raba garoonka dayaaradaha ee Muqdisho ayaa shaki ku abuurtay rakaabka aan dayaaradda wada raaci lahayn, muranna ka dhex dhalisay. Markii aan dayaaradda gudaheeda fariisannay ayaa qof ka mid ah rakaabku uu goostay in uu dayaaradda ka haro.

Waxay taasi kalliftay in nala daahiyo, mas’uuliyiinta amniga ee Garoonka Aden Cabdulle ay goobaan, dejiyaanna qofkii haray shandaddiisa. Intaa laguma joojin ee waxaa la dejiyay dhammaan shandadaha dayaaradda hore loogu raray iyo dhammaan inteennii rakaabka ahayd iyo waliba shaqaalaha dayaaradda.

Waxaa la keenay laba eey oo kala nooc ah, kala dambeeyana oo midba mar uu baaray xamuulka oo dhan, boorsooyinka gacanta iyo gudaha dayaaradda.

Markaa ka dib ayaan fasax u helnay in aan dayaaradda gudaheeda galno oo qof waliba uu kursigiisa dib ugu laabto.

Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan madaxda iyo hawlwadeennada amniga ee gegida dayaaradaha feejignaanta iyo go’aan qaadashada iyo waliba sida ay noogu fasireen iyaga oo cudur daar bixinaya in la hakiyay dayaaradda mar labaadna la baaray.

Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa Gaashaanlihii hormuudka ka ahaa howsha, saraakiisha iyo ciidanka kale iyo Madaxa Gegida, Genereal Aden Ashkir oo qudhiisu goob joog ahaa inta ay dib u baaristu socotay oo dhan.

Ilaaheey wuxuu si nabad ah nagu keenay Baydhaba.

Soomaali oo dhan Allah ha ka badbaadiyo amni darro.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media