SAWIRRO: Somalia & Kenya oo yeeshay kulan aan horay loosii shaacin (Maxaa laga hadlay?)

0

(Muqdisho) 31 Luulyo 2019 – Xilli uusan halkii ugu wanaagsanayd joogin xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Somalia iyo Kenya ayaa waxaa dhacay kulan aan horay loo hadal haynin oo dhex maray labada dal, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa u dhignaa sidatan: ”Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay maanta Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo.”

Kulanka dhacay oo aan faahfaahin daqiiq ah la raacinin ayaa lasii daba dhigay.

”Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.”

Lama oga waxa gaar ahaan laga wada hadlay, lamana oga inuu kulankani gogol xaar u yahay kulan kale oo dhex mara madaxda sare ee labada dal.

Waxaa maalin dhowayd magaalada Muqdisho gaarey wefdi ka socday Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay MW hore ee South Afrika Thabo Mbeki, kaasoo la sheegay inuu waanwaan uga jirey in la dhameeyo doodda ay Kenya oogtey ee ku saabsan 3-xagal ka tirsan dhul badeedka Somalia.

Hadalsame Media