Maamulka Somaliland oo lagu eedeeyay cadaalad darro lagula kacay dhalinyaro….

0

(Hargaysa) 31 Luulyo 2019 – “Kolkii la ogaaday, Ogaanta lafteedi baa la xidhay.” Mashruuca loogu magac daray shaqo-qaran wuxuu noqon lahaa waxa keliya ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku faani lahayd.

Yeelkeede, sawirkani waa Shalay waxaa halkaa taagan Agaasimihii Mashruuca ”shaqo-qaran” wuxuu u khudbadaynayaa dhalinyaro aan ahayn kuwii Saddexda bilood cidlada usoo fadhiyey ee Tuulooyinka Dararweyne iyo Mandheera tababarka u galay.

Waxaa xiiso leh in Dhalinyarada halkan taagan oo aan ahayn kuwii tabcaday, in cida soo xushay ay kusoo xulatay “Madaxweyne Biixi ma is xigtaan”.

Waxaa kaloo layaab ah Dhalinyaradii Shaqo-qaran waxaa la geeyey Hoteel suuqa ku yaala oo layidhi sii fadhiya halka kuwii lagu bedeli lahaa la geeyey Magaalada Hargeysa Duleedkeeda si aan loo ogaan.

Kolkii la ogaaday weriyeyaashii ogaaday ayaa la xidhay oo Ogaanta lafteedi baa xidhan, maxaad u ogaatay baa ka dhacday.

Waxaa kaloo Xiiso leh wiilka shaqo gelinayaa inuu yahay wiilka Madaxweynuhu dhalay shirkada ay ka shaqo gelayaana oo laga leeyahay dalka Singapore Waa Shirkada Marna la leeyahay Shidaal bay safaynaysaa mar kalena Haamaha ayay dhisaysaa maantana layidhi Warshada Sibidhka ayay Dhisaysaa!

Waxaa Diyaariyay: Cabdirisaaq Terra

Hadalsame Media