Kooxda Juventus & Ronaldo oo arrin xasaasi ah lagu haysto & magdhow lagu sheeganayo!!

0

(Seoul) 31 Luulyo 2019 – Taageerayaasha South Korea ayaa tillaabo sharci ah ka qaadaya Cristiano Ronaldo oo ay ku haystaan inuusan kasoo muuqanin ciyaartii Xiddigaha Horyaalka Koonfurta Kuuriya iyo Juventus, iyagoo dalbanaya magdhow gaaraysa €50m.

Qiyaastii 60,000 oo taageere ayaa iskugu yimi gegada Seoul ee World Cup Stadium si ay u daawadaan ciyaartaasi, iyadoo uu qarreen la yiraahdo Kim Min-ki uu diyaarinayo dacwad ka dhan ah Ronaldo, oo aan kulankaa dheelin, tiiyoo ay waajib ku ahayd inuu safto.

“Dad badan baa tikitka u goostay inay Ronaldo daawadaan. Waxaa horay loogu heshiiyay in Ronaldo uu ugu yaraan dheelo 45 daqiiqo kaddibna uu taageerayaasha saxiixyo u sameeyo,” ayuu Kim u sheegay warfaafinta.

Wuxuu qarreenku codsanayaa in qofkiiba loo celiyo €52.40 oo tikit, €0.76 oo dallaal ah iyo €760 oo euro oo la siinayo 60,000 oo taageere oo la kumay niyad jab aysan kusii tashanin.

Kooxda Bianconeri ayaa ku doodaysa in 34-jirkani uu muruqa wax ka qabey, sidaa darteedna uusan kulankaa kasoo muuqan karaynin.

Hadalsame Media