(Muqdisho) 31 Luuly 2019 – Urur qaaradeedka Midowga Yurub (EU) iyo jaalkooda Somalia ayaa kala bar dhimay lacagtii ay siin jireen ciidamada Kenya oo qaab kula daarasho ah ku soo galay Somalia, iyagoo ka mid noqday Ciidamada AMISOM.
Haatan ayaa la ogaadey in Kenya bishii Juun 2019 farta laga saaray lacag dhan Sh4.3 bilyan oo shilin, taasoo ah kala bar kharashkii ay soo dallacatay Kenya oo ka macaashta joogista Somalia.
Lacagtan ayaa 12-bilood kahor waxay ahayd Sh8.5 bilyan oo shilin oo ay dalbatay Wasaaradda Maaliyadda iyo Kaydka Kenya, balse haatan waxaa loo shubay kala bar uun.
Midowga Yurub oo ka kooban 28-dal, ayaa ah kuwa bixiya kharashka ugu badan ee la siiyo Ciidamada AMISOM, iyagoo bishii Abriil ballan qaaday inay taageeradan sii wadayaan ilaa 2019/20.
Xafiiska QM ee Somalia ee UNSOS ayaa isna bixiya taageero dhanka saanadda ah oo uu siiyo AMISOM iyo ciidamada Xoogga Dalka Somalia ee SNA marka ay howlgallo wada samaynayaan.
Lama oga sababta loo dhimatay lacagtii la siin jirey Kenya oo qura.
Hadalsame Media