SOMALIA: Iskuullo & Jaamacado badan oo la xiri doono mar dhow + Sababta

0

(Muqdisho) 30 Luulyo 2019 – Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abdullahi Goodax ayaa bishaan horaanteeda ku dhawaaqay in Jaamacadaha waddanka ka jira la kala saari doono. Waxay noqon doonaan kuwo yar o heli doona aqoonsiga jaamacadnimada (accreditation) ee wasaaradda,  oo si wadan doono shaqadooda iyo Jaamacado badan oo waayi doona aqoonsiga  albaabadana loo xiri doono marka la soa saaro natiijada kormeerka iyo baarista lagu sameeyn doono (Inspection) Jaamacadaha oo dhan.

Sidoo kale,  Wasiirka waxa u sheegay in dugsiyada hoose iyo kuwa sare e dalka ka jira lo kala saari doono qaar ruqsada lagala noqon doono o albaabada lo xiri doono iyo kuwo hawshooda lo oggolaan doono in ay sii wataan kormeerka ka dib.

Sababta khasab ka dhigeysa in Wasaaradda xirto Jaamacadaha badan,  waxa ka mid ah jaamacadihii oo taran xad-dhaaf ah iyo tayo la’aan lagu arkay. Waxa la sheegay in ay jiraan kuwo badan o isu beddelay masnac ama warshad so saarta dibloomoyinka(Diploma Mill) dadweynaha laga iibiyo. Waxa kale o la sheegay in ay jiraan jaamacado ah “Garab Rarato” o sheegta in ay bixiyaan koorsoyin Online ah.

Hase yeeshee,  taas macnaheeda ma aha in aysan jirin jaamacado dadaalaya intii karaan kooda ah. Laakiin ayaga xitaa waxa laga sheegayaa cillado ay ka mid yihiin ardayda o aan lagu adkeynin imtixaanka iyo maqnaashaha badan e ardayda o ay u dulqaataan.

Ceebaha iyo cilladaha dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare aad bay u badan yihiin. Afar sano ka hor warbixintii aan ka daabacay ka akhriso o google garee: Imtixaanka mideysan: Xarig-jiidka Wasaradda Waxbarashada waxbarashada iyo “Dalladaha”

Waxaa nasiib darro ah,  in ardaydii sanadkan imtixaanka fasalka 4aad  u fariistay, badankood ku dhaceen. Waxa jiro sida Wasiirka Waxbarashada sheegay,  iskoolaad badan o uusan hal arday ka gudbin imtixaanka. Intaas waxa ka sii badan ardayda dirqiga ku baastay.

Haddabo, Si lo ilaaliyo tayada waxbarashada Jaamacadaha iyo iskoolaadka Somalia,  sida ka jirta dhammaan caalamka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa waajib ku ah in ay xaqiijiso in ardayda Somaliyed helaan waxbarasho tayo leh o la jaan qaadi karta heerka caalamiga ah o dabooli karta baahida dalkeena u qabo in la so saaro dad tacliin iyo karti u leh mihnada shaqo e kala duwan.

Waxan qormadaan idinku so gudbinaynaa qaar ka mid ah shuruudaha aqoonsiga Jamacadnimo (University Accreditation Criteria) ee caalmka ka jira . Waxa kale o aan  qaybta 2aad idiinku  so gudbin doonaa  shuruudaha laga rabo iskoolaadka hoose iyo kuwa sare.

Shuruudahan o loo yaqaano “Mabadi’da iyo Habraaca” lagu maamulo waxbarashada dalka (Policies and Procedures) o ay Wasaradda Waxbarashada so diyaarisay iyo “Hindise Sharciyedka Waxbarashada” o Golaha Shacabka so maray(Education Act) ayaa assas u ah shurudaha aqoonsiga jaamacadeed iyo sidoo kale maamulidda dugsiyada.

Wasaradda waxbaraashada wa in ay u gudbiso Jaamacadaha iyo iskoolaadka dokumentiga aan kor ku so sheegnay iyo liiska(foomka) la rabo in ay so buuxiyaan o hordhac u ah kormeerka wasaaradda “Pre-inspection Checklist” . Markas ka dib,  kormeerayaasha Wasaradda waxay so booqan doonan Jaamacadda(Site-visit) waqtiga lo asteeyey si ay u fuliyaan kormeerka iyo baarista o ah “itus o itaabsii” , ama(evidence based inspection).

Ugu badnaan laba usbuuc gudohood,  wa in ay Wasaradda so saartaa natiijada kormeerka iyo baarista(Inspection Report). Jaamacadaha iyo dugsiyada mara baarista ama haku baasaan ama haku dhacaane,  waxay wasaradda u gudbinaysaa qaan-sheegto(Invoice) gaaraya ilaa $5,000.00 doolar o ah kharajka la xiriira baarista. Jamacaddii ama dugsigii bixin waaya lacagtaas lix bilood gudohood ma sii shaqeen karo.

Intaas waxa dheer, Jaamacaddi ama dugsigii leh faracyo kale(Multiple campus), farac kasta wuxu marayaa kormeer iyo baaris(inspection) u gaar ah sidii Jaamacad kale ama dugsi kale. Waxaana waajib ku noqonaysa bixinta kharajka kale e baarista o la mid ah ki hore.

Inkastoo aanan halkan ku soo koobi karin shuruudaha aqoonsiga Jaamacaded(Accreditation Criteria) o ka badan ilaa 30 shuruudood, haddana waxan halkan idiin ku so gudbinayaa dhoor qodob o aad muhiim u ah o jaamacaddii laga waayo aan loo aqoonsan doonin jaamacad amarna lagu siin doono in albaabada lo xiro. Qaybta 2aad  baan idiinku so bandhigi doonaa qodobada kale e shuruudaha jaamacadaha iyo dugsiyada.

  1. Waa in Jaamacadda leedahay maalin u astan in fasallada bilaabmaan iyo maalinta u cayiman in ay dhamaadaan( Start Date and End Date). Waxa mamnuuc ah in arday aan maalintaas la bilaabin dufcadaas lagu so daro fasalka(Continuous Intake is not acceptable) iyo in aan laso xirin fasalladaas waqtigaas ka hor. Jaamacadda waxay wasaaradda u so gudbinaysaa liiska magacyada ardayda isku dufcadda xilliga bilowga fasallada sanad waliba.

Wasaaradda waxay sameynesaa kormeero badan o aan la sii shaacinin(Unannounced Visits) si loo hubiyo fulinta qodobkan,  lana xaqiijiyo in ardada liiskooda la so gudbiyey ay joogaan jaamacadda.

  1. Koorasyada borogaraamka wa in ay ahaadaan kuwo Jaamacad caalamka laga aqoonsan yahay. Jaamacadda waxay wasaradda u so gudbinaysaa macuumaadka xirirka Jamacadda arrintaas kala sameysay Jaamacadda caalamiga ah. Haddii ay Jaamacadda bixiso kooras ay ayada sameysatay(Locally Developed Course), Wasaaradda wa ay hakinaysaa kooraskaas inta ay khubarada so oggolaanayaan ayagoo u bar bar dhigaaya korosyada noociis ah e Jaamacadaha Caalimiga ka baxa.

Online Koros (Online Course) waxa laga rabaa in uu leeyahay Website u gaar ah(Platform) o ay isku arkaan macallinka iyo ardayda(synchronous & Asynchronous) o mujinaaya ardayga marka u login sameeyey iyo marka u ka baxay website ka iyo dhammaan asaynmentiyadii u so dhamaystiray.

Waxa la yiraahdo koresbondens(correspondence) lama oggola.  Sidoo kale waa in jaamacadda leedahay bayaan ku cad shuruudaha ardayda kaga qalin-jebin karaan iyo buuga lo yaqaano  koras kalandar(Course Calendar) so koobayaa dhamaan koorsooyinka brogaraamyada kala duwan .

  1. Macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadda markii lo qaybiyo seddex meelood, labo meelood(Two Third)waa in ay haystaan shahaadada Phd. Qaybta seddexaad wa in ay haystaan shahaadada Master ka. Macallimiinta haysata Bachelor ka waxay noqon karaan caawiye(assistant).

Macallimiinta wa in ay so gudbiyaan Cinwaanka, emailka iyo telefonka Jaamacadaha ay ka so qaateen shahadooyinkooda Bachelorka, Master ka iyo  Phd. Jaamacadahas wa in ay noqdaan kuwa caalamka aqoonsan yahay(Internationally Recognized Universities).

Wasaaradda Waxbarashada ayadoo kaashanaysaa u qaybsanaha safaradaha Somalia e arrimaha waxbarashada(Cultural Attaché)  waxay  xirir la sameynasa Jaamacadahas si xaqiijin(Verification) loogu sameeyo shahaadoyinka.

  1. Jaamacadda in ay leedahay Maktabad ,Sheybaar iyo Kombutar Lab ku filan ardayda iyo barnaanij cilmi baaris (Library , Laboratories , Computer Lab and research program ) waa khasab(Mandatory). Wasaarada waxay u kuur gelaysaa tayada iyo faa’idada gaarka ah(the quality and the relevance) e Maktabadda, Sheybaarka iyo barnaamijka cilmi baarista.

Sidoo kale ardayda wa inay helaan kutubo anan koobi aheyn o originaal ah.Maxa yeelay wa lagu dhibtoonaya akhrinta buugga koobi ga ah waana sharci darro la isku qabsan karo.

  1. Maaliyadda iyo xisaabaadka maamulka lacagta(Finances and Financial Management) e jaamacadda wa in u yahay mid daah furan(transparent).Jaamacadda waa in so gudbiso warbixin xisaab-xir(Audited Financial Statement ) o ah odhit ay sameysay hay’ad madax banaan o muctarif ah.

Komeerayaasha waxay u kuur gelayaan qaabka dhakhliga u soo xaroodo(source of income), dhaq-dhaqaaqa akoonka iyo awoodda ama keydka maaliyadeed e jaamacadda haysato si lo xaqiijiyo in jaamacadda isbixin karto.

Baarayaasha waxay si gaar ah ugu kuur gelayaan in jaamacadda macallimiinta siiso mushaar ku filan o ay ku shaqeen karaan o an ahayn “dan kugu qabatay e qawda maqashii”.In macallimiinta  la siyo mushaar ku filan waxy suutogelinaysaa macallimiinta in ay  howshooda ku aadan cashar diyaarinta, cashar bixinta, sixidda iyo qiimeynta imtixaanaadka, brojektiska iyo asaaynmentiyada ardayda iyo cilmi baarista ay si waafi ah u gutaan.

Jaamacadda wa in laga helaa natiijadii cilmi baarista ay macallimiinta sameyeen.

  1. Si Badqabka iyo Feydhoorka(Health and Safety) ardayda loo ilaaliyo waa in dhismayasha jaamacadda aysan noqon baraakoyin. Baraakada marka qorraxda qabato indhaha iyo araga ardayda ayey wax u dhimaysaa.

Sido kale,  wa in arday kasta helaa kursi iyo miis u gaar ah. Fasallada gudohooda mariin(passageway) la maro waa in u ka banaan yahay safafka miisaska dhexdooda si loo yareeyo khatarta isbuurashada marka xaalad deg deg ah so kororto.

Midda kale,  musqualaha jaamacadda tiradooda iyo tayadooda wa in ay yihiin in ku filan baahida ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha. Musqulaha dumarka u gaarka ah waa in ay ka durugsan yihiin kuawa ragga. Musqulaha nadaafaddooda wa in aad loo ilaaliyo lagana helo istijo, saxannada gacmadhaqa iyo biyaha o socda si joogto ah(running water).

7.Jaamacadda wa in leedahay shurudaha ardayda ku so geli karaan Jaamacadda o qoran (Admission Criteria), xeerka xaadirinta iyo maqnaashaha(Attendance Policy) o caddaynaya inta maalmood e Jaamacadda u dul qaadan karto in u ardayga ka maqnaado casharada iyo xeerka qiimeynta heerka waxbarasho e ardayda sida imtixaanaadka, asaaymentiyada (Assessment and Evaluation policy) noqotaa mid dheelitiran.

Jaamacadda wa in ay leedahay xeer cadeynaaya waxa laga yeelayo ardaygii teeramka dhamadkiisa ay natiijadiisa adka u xuntahay.

Wasaaradda waxay u kuurgelaysaa feelasha ardayda. Arday kasta feelkiisa wa in laga helo arjigii u so qortay iyo diiwan gelintiisa(Signed and dated Application and Registration forms) o saxiian o taariikheysan, dokumentiyada caddaynaaya in u buuxiyey shuruudihii lagu geli karay jaamacadda(Admission Requirements)iyo natiijadiisa waxbarasho o dhan (updated transcript).

  1. Qaabka waxbarashada jaamacadda waxa lagu qiimeynayaa sida macallimiinta fasalka u maareeyaan. Kormeerayaasha waxay u kuur gelayaan sida macallinka u gudbinaayo casharada, liiska ardayda fasalka iyo xaadirintii maalinlaha ahaa(Pupil Attendance Records), fahraska kooraska(Course Outline) iyo Cashar diyaarintiisi maalinlaha ahaa(Daily Lesson Plans).

Baarayaasha(inspectors) waxa kale o u kuur gelayaan o khasab ah in ay arkaan daftarada ardayda (student notebooks) iyo wixii qiimeyn ah iyo asaymenti ah o taariikheysan iyo buundada ardayda(MarkedTests, Projects, assignments and examinations with student name and date ) o waafaqsan manhajka koroska.

Kormeerayaasha waxay waraysi la yeelanayaan ardayda iyo macallinka fasalka gudihiisa.

Qore: Cabdinur Cali Faarax

Email: a22farah@yahoo.ca

Toronto, Canada

Hadalsame Media