
(London) 30 Luulyo 2019 – NICOLAS PEPE ayaa kasoo degey magaalada London fsi uu caafimaadka ugu maro kooxda Arsenal kahor inta aanu kooxdaa kula biirin £72milyan oo gini oo laga so siistay kooxda Lille.
Laacibkaan Ivorian-ka ah ee garabka ka dheela oo 24-jir ah, ayaa noqonaya laacibkii abid ugu qaalisanaa ee soo mara kooxda Gunners, iyadoo lagu wado inuu saxiixo qandaraas 5 sanadood ah.
Wuxuu haatan iska qaadayaa sawirradii ugu horreeyay, sida ay wararku sheegayaan.
Kooxda Gunners ayaa marka hore bixinaysa 20 milyan oo gini oo afka hore ah, iyadoo deeto bixin doonta £52m oo ay yaryaraynayso 5 sano oo soo socota.
Hadalsame Media