”Muqdisho inay degto waxay ku xiran tahay Somaliland oo la aqoonsado, ma jirto umad Soomaaliyeed!” – Laabsaalax oo sheegtay qaraxyada Muqdisho!

0

(Hargaysa) 30 Luulyo 2019 – Maanso yahanka Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa waxaa kasoo yeeray laba eray oo ay Soomaali badani la yaabtay, kuwaasoo kala ah:

1 – Inkiritaanka jiritaanka umadda Soomaaliyeed. 2 – Hadal ay ka muuqato inuu si cad ugu diganayo magaalada Muqdisho oo ay qarxinayaan dad aragtiyo kala duwan qaba, balse qolo qur ihi sheegato ama mararka qaar lagu nabo.

Wuxuu boggiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Wax ummad Soomaaliyeed la yidhaa ma jiraan, ee reero Somaliyeed ayaa jira, cida ugu badan ee erayadan ka xanaaqaysaa waa jiilkayga, walaal ha cadhoon, fadlan is deji, waad xanaaqdee, ha xanaaqin, hadaad igaga soo hor jeedo ummad Soomaaliyeed ma jirto, maxay mid u noqon waayeen oo ay midoobi waayeen.

Shantoo derisoo, midiba doc tahoo
Dawlado kala tahay, Xuduud Kala duway,
Wixii kala dira, waxaa ka da’ wayn
Wixii isku dara, markay dantahee,
Wataa isku daran, is wada dagaysee
Soomaali duntoo, dunida ka hadhee.”

LABA KHALAD OO WAAWAYN

Khaladka warkiisa ka muuqdaa wuxuu yahay haddii aysan jirin umad Soomaaliyeed oo ay reero jiraan, hadde Somaliland waxaa deggan reero ay Britain midba goonidiisa heshiis ula gashay ee waa maxay go’itaanka uu dusha ka wada saarayaa?

Khaladka 2-aad wuxuu yahay, in waloow uu leeyahay ”ma jirto wax la yiraahdo umad Soomaaliyeed” uu misna leeyahay ”waxaa jira reero Soomaaliyeed”, taasoo aan is qabanaynin, waayo haddii aanay umad Soomaali la yiraahdaa jirin, reero Soomaali ku abtirsadaaa ma jiri karaan. Waa hadal aan shiilnayn, waayo inay umadnimada Soomaalidu dabiici tahay waxaa daliil u ah inay tahay umad hal nooc ah, kaliya is waydii waxa isku af ka dhigay min Jabuuti ilaa duleedka Gaarisa min Xamar Jajab ilaa Jigjiga?!!.

Markan ayuu ridey MADFACII ugu waynaa isagoo sii hadlayana wuxuu yiri: ”In badan oo bulshada xurmada iyo xaqdhawrka aan u hayo ka mida, ayaa erayada kor ku qoran u turjuntay si ka duwan sidaan u jeeday, maaha maaha maaha siday moodeen.

Somali-waynna Woqooyi iyo Koonfur maaha, ee hadaan la hayn Soomaalida Kenya, Ethiopia iyo kuwa Djibouti in shantii Soomaaliyeed mid waliba halkeeda ku sharfanaataa waa sharaf.

Woqooyi iyo Koonfurina noqon maayaan Soomali wayn ee waa Somaliland iyo Somalia ee dadka reer Muqdisho ha ogaadaan inta Hargaysa laga lusho in aanay Muqdisho degayn. Hada ma lihi waxa Muqdisho ka dhacaya ayay Hargaysa ku faraxsan tahay!
Nabsi maalkuse waa.…..

Halkan wuxuu Laabsaalax si cad ugu muujinayaa laba arrimood oo iskugu jira qiraal, digasho & gooddin.

Kelmadda ah ”inta Hargaysa laga lusho in aanay Muqdisho degayn” waa gooddin & qiraal wada socda oo uu ku faanayo in waxa Muqdisho ka dhacaya uu wax ka ogyahay, ku gorgortamayo kuna gooddinayo. Khaladka halkan ka muuqdana waa qirashada ugu yaraan la dhacsanaanta fal argagixiso & isku xirka siyaasad aysan Muqdisho magaalo ahaan mas’uul gaar ah ka ahayn iyo go’itaanka uu ku riyoonayo oo aan xitaa ku imanaynin haddii ay Muqdisho gobol ahaan u aqoonsato Somaliland oo misna aan jirin, maadaama uu isagu sheegay ”inaan umadi jirine reero jiraan.”

Midda kale ee ah nabsi, waloow ay tahay aragti daciif ah in uu aaminsan yahay in ay Muqdisho nabsi ka gashay Hargaysa oo ah aragti dad badan oo masaakiin ah ay ka dhaadhiciyeen siyaasiyiin danayste iyo daba-dhilif ah, misna waa kelmad digasho ah oo ka mid ah waxyabaaha dunida la isku camal waydiiyo in aad qof kale dhibkii wiirsi iyo digasho ka dhigato.

Laabsaalax barasho wanaagsan

Waxaa Falanqeeyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media