Kulleejooyinka waxaa kasoo baxa hoggaamiyeyaal KARTI xun (Waxaa eegaya nin yaqaan cilmu-nafsiga – Qaybtii 1-aad)

0

(London) 30 Luulyo 2019 – Dadka hodanka ah ama horseedka siyaasadeed ah ayaa waxay caado u leeyihiin inay carruurtooda u diraan kulleejooyin ay wax ku bartaan kuna barbaaraan. Balse siyaasiyiinta mustaqbalka ee horay usoo mara ”mudnaanta” noocan ah, ayaa noqda kuwa xoog-sheegad (bully) wax ku doona aadna u xirfad liira bulsho ahaan. Waxaa maqaal uu The Guardian cinwaan uga dhigay ”Why boarding schools produce bad leaders” sharraxaya khabiir yaqaanna cilaajka nafsiga.

Dalka Britain, xiriirka ka dhexeeya waxbarashada kulleejooyinka jiifka leh iyo hoggaanku waa arrin sidii calaf usii qoran.

Haddii ay waalidiintu ka bixi karaan, waxaa carruurta loo diraa kuleejooyinkaas oo kaddib toos ugu sii dhiiba  Oxbridge ilaa xafiisyada sare ee garsoorka, ciidamada, dowladaha hoose ilaa boosas dowladda dhexe ah.

Tusaale ahaan, RW hore ee David Cameron xukuma dalkaasi waxaa kulleejada isticdaadiga ah ee Heatherdown oo ku taalla Berkshire loo diray isagoo 7-jir uun ah, sida qaar kale oo badan oo haatan xilal sare ka haya Britain.

Wuxuu halkaa isagoo yar ku bartay sida loola macaamilo xaaladihii qallafsanaa ee geerida qoyskiisa iyo la qabsiga nolosha iyo dhaqanka kulleejada.

Saamaynta niyadeed ee ay khibraddaasi ku yeelatay dadka xilalka sare dalka ka hayaa ma aha mid la yaraysan karo.

Waxay ka dhigtay dad aan si wanaagsan ugu diyaarsanayn fahamka iyo xiriirka caadiga ah ee umadda, maadaama ay wax lasoo barteen dad iyaga aynigooda ah oo ka kala yimid qoysas ladan oo meel qura ku kulmay iyagoo sooc ah isla markaana isku dabaqad ah, taasoo dhalinaysa inay lasoo baxaan dhaqamo is mudnaan siin ah, awood sheegasho iyo haweenka oo la qiime yaraada, taasoo bulshada oo idil saamaysa.

La soco qayb kale….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media