DAAWO: Rafael Leao oo kasoo degey Milan (Duullimaadkii Leo Duarte oo dib u dhacay)

0

(Milano) 30 Luulyo 2019 – Qannaaska Lille ee Rafael Leao ayaa kasoo degey gegada Malpensa ee magaalada Milano si uu caafimaadka ugu maro kooxda AC Milan oo kusoo qaadatay €35m oo euro.

Laacibkan 20-jirka ah ee reer Portuguese, balse asal Angolese-ka ah ayaa kasoo duulay caasimadda dalkiisa ee Lisbon, waxaana la filayaa in marka uu berri caafimaadka maro uu saxiixi doono qandaraas taxnaanaya ilaa Juun 2024.

AC Milan ayaa ogolaatay in Leao ay Lille ka siisato €30m oo kaash ah iyo daafaca Tiago Djalo, oo lagu qiimeeyay €5m oo euro.

Lille, ayaa la sheegay inay boqolleey ku yeelan doonto haddii laacibka lasii iibiyo mustaqbalka, taasoo uu RMC Sport ku sheegay 20%. Wuxuu dhaliyay 8 gool, isagoo dhigay laba kale 24 kulan oo Ligue 1 ah.

Dhanka kale, daafaca Flamengo ee Leo Duarte ayaa duullimaadkiisii dib loo dhigay ilaa berri, isagoo shalay macasalaameeyay saaxiibadii.

Wuxuu Brazil uga imanayaa €10m oo lagu daray €1m oo bareemiyo ah.

Hadalsame Media