”Waxaa jirta sabab aysan QADAR u ogolaan karin in lasoo saaro Gaaska Dabiiciga ah ee Somalia!!”

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2019 – Siyaasiga Faarax Macallin oo ah nin wax badan xog ogaal u ah ciyaaraha siyaasadeed ee dunida, gaar ahaan Gobolka Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrin xasaasi ah, isagoo u digey DF Somalia.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray: ”Sida qof kasta oo kale, Qadar kuma aamino Somalia gebi ahaanba. Qadar waa dalka 2-aad ee ugu horreeya dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah kaddib Midowgii Soofiyeeti ee hore..”

”Marka lasoo saaro Gaaska Dabiiciga ah ee Somalia ee la geeyo suuqyada calaamka, Qadar waxaa khasab ku noqonaysa inuu hoos u dhoco qiimaha gaaskeedu, taasoo dhimaysa dakhligeeda.” ayuu daba dhigay.

Warka Faarax ayaa markale Soomaalida xusuusinaya inay laba jeer ka fikiraan siyaasadda laba-wejiilaynta ah ee dalalka Khaliijka oo inta badan iyagoo ah dhurwaa maqaar ari huwan soo dhex gala Soomaaliya oo haatan dhulka u taalla siyaasad xumo hunguri ku dhisan oo ay horseed ka yihiin madax aan nuxur badnayn oo dadkii isku diray, si ay san-dareerto yar u xasiliyaan, taasoo keentay in Somalia oo taajir ihi ay noqoto faqri dunidu ku maadsato, malaayiin been ah oo ”loogu deeqayna” loogu manna sheegto.

FG: Caadiyan Qadar waa dalka 3-aad dhanka Gaaska Dabiiciga ah, oo waxaa kaalinta 2-aad ku jirta Iiraan.

Hadalsame Media