”Ku dhufta meesha xanuunaysa!” – Ciidamada Yuhuudda oo diyaariyay shiish yahanno ANQOWGA ka tooganaya Falastiiniyiinta!

0

(Tel Aviv) 29 Luulyo 2019 – Ciidamada Yuhuudda ee haysta dhulka reer Falastiin, gaar ahaan kuwa ku sugan xadka Marinka Gaza ayaa keenay hindise cusub oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah.

Ciidamadan ayaa diyaarsaday shiish yahanno “anqowyada ka toogta” dibed baxayaasha reer Falastiin, sida uu qoray warsidaha Jerusalem Post, oo kasoo xigtey sarkaal Yuhuud ah, “Waxaa la fahamsan yahay in [toogashada qaybaha jilibka ka sarreeya ay sababtay geerida dibed baxayaal badan.”

Israel ayaa xoog uga fal celisey dibed baxyada Falastiiniyiinta oo Jimce kasta la qabto, iyagoo diley in ka badan 235 Falastiiniyiin ah, isla markaana dhaawacay kumannaan kale.

Israel ayaa waxaa arrintaa ku cambaareeysay hay’adda QM ugu qaybsan xuquuqul insaanka, iyadoo sida ay dadkaa ula dhaqmayso ku sheegtay ”dembi dagaal” waafaqsan Cahdigii Roma.

Hadalsame Media