(Nairobi) 29 Luulyo 2019 – Saacadda ayaa tigleeynaysa iyadoo usii siqaysa dhanka Sebtembar 9-13, 2019, oo ku beegan goorta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ee magaalada Hague, Netherlands, ay goyn doonto garta ay hor gaysey Somalia oo ka ashtako ah dalka Kenya bishii Agoosto 28, 2014, sida uu Daily Nation ku qoray PETER KAGWANJA.
Wuxuu keenay ilaa dhowr hindise oo uu ku sheegayo in lagu ogaan doono sida ay Kenya u adeegsan karto waxa loo yaqaanno ”awoodda jilicsan” oo aalaaba ku dhisan saamaynta & mudnaanta uu dalkaasi leeyahay, isagoo sheegay in aysan Kenya aqbali karin in badeeda looga soo reebo wax aan ka badnayn ”baraag wayn oo kuwa dabaasha ah oo aan muhiimad istaraatijiyadeed lahayn” xitaa haddii ay ka samirto seddex-xagalka saliiddu ka buuxdo ee la isku haysto, sida uu yiri.
1 – Kenya waa inay adeegsataa hay’aadkeeda aqooneed iyo jaamacadeheeda, waana isla sababtaas midda uu mac’hadka Horn Institute (International Institute for Strategic Studies) uu shir ugu qabtay 30 khubaro ah oo ka kooban cilmi baarayaal, hormuud jaacadeed ka kala socda Afrika kuwaasoo Nairobi lagu shiriyay 25-26 bishan Luulyo, 2019.
2 – Waloow uu kiisku maxkamad yaallo wuxuu soo jeedinayaa in Kenya ay ka dowladayso oo ay iyadu gacanta ku haysto danaheeda amaan iyo dhaqaale ee biyaha Somalia iyadoo raacaysa aragtidii gumaysiga cad ee “Effective Occupation” oo dalalka caddaanku isku siiyeen ”xaq” ay ku yeeshaan meelaha ay qabsadaan ama horay u haysteen (kiiskani waxaa ka dhadhamaya Jubbaland & xeebeheeda).
Wuxuu qoraagu ku marmarsoonayaa in halkaa laga ilaalinayo ”burcad badeed” oo ah marmarsiiyaha 2-aad ee ay Soomaalidu isku sallaxday marka laga soo tago midka ”argagixiso la dirirka” oo ay ku qarsan yihiin dano badan oo ka dhan ah Somalia. ”Ciidamada ilaalada xeebaha ee dhowaan la sameeyay waa inay dhaqse u howl-galaan.” ayuu yiri.
3 – Kenya waa in ay si firfircoon shaq shaq u gelisaa ”WADANIYADDA Soomaalida” si madaxda Somalia aysan ugu suurtagelin inay kiiskan hubayso, iyadoo ka faa’iidaysanaysa taageerada Soomaalida.
4 – Kenya waa inay dunida ka dhaadhicisaa in waloow ay ogoshahay raacitaanka shuruucda caalamiga ah ay misna saluugsan tahay isku hallaynta Maxkamadda Caalamiga ah oo ah haraadigii qoowmiyadda Anglo-Saxon-ka oo ah (dadka timaha cad ee asalkoodu Jarmanka yahay).
In aysan keeni karin go’aan u wada cuntami kara dhinacyada oo idil, si loo ilaaliyo nabadda aan cagaha badan ku taagnayn ee Geeska Afrika. Waxaa dheer in Madaxwaynaha Maxkamaddu uu yahay Abdulqawi Ahmed Yusuf (2009-2027) oo ah muwaaddin Soomaali ah.
5 – Kenya iyadoo adeegsanaysa ”awooddeeda jilicsan” waa inay kashiftaa danaha siyaasad-dhuleed (geopolitical) ee ay dalalka Khaliijku murankan ka leeyihiin.
6 – Kenya waa inay iyadoo aqoonteeda iyo qalqaaladeeda adeegsanaysa ay sidoo kale bannaanka keentaa caddaymo muujinaya sharikaadka saliideed ee caalamiga ah ee arrintan shidaya, kuwaasoo lacago ku bixinaya inay kiiskan Somalia ku guulaysato, sida uu yiri qoraagu.
7 – Kenya iyadoo saamaynteeda adeegsanaysa waa inay mubaadarada soo bixi rabta ee amaanka Afrika (African Peace and Security Architecture) galaangal dheeraad ah u yeelataao, iyadoo hor geeynaysa muranka Kenya-Somalia.
Waxay Kenya fuulaysaa hindisaha la dhaqan-gelinayo 2050 ee “2050 Africa’s Integrated Maritime Strategy (2050 AIM Strategy)”, kaasoo loogu tala galay in si nabadeed looga wada faa’iidaysto badaha Afrika, kaasoo ah heshiis loogu danaynayo dalalka badaha yar ama aan badba lahayn. (FG: Heshiiska noocan ah waa inay DF iska jirtaa).
8 – Nairobi waa inay ugu dambayn xubnaha rigliga ah ee Golaha Amaanka QM — America, United Kingdom, France, China iyo Russia — ka dhaadhicisaa in xukunka Maxkamadda ICJ uu keeni doono khilaaf hor leh oo ka bilowda dalalka kulaala Badwaynta Hindiya, haddii la raaco jiitinta koonfur u jeedka ah ee ay Somalia doonayso, taasoo ay xigayso inay is qabsadaan Kenya-Tanzania.
DF Somalia, gaar ahaan Wasaarad Dibadeedkeeda oo lagu tilmaamo mid habacsan oo aan lahayn fal-curin badan ayaa laga doonayaa inay dhug u yeelato waxa socda, sida shirka la sheegay iyo qodobadan oo saldhig u ah siyaasadda rogaal-celinta ah ee Kenya.
Sida muuqatana Kenya iyadaaba qiraysa inaysan sifo sharci ah wax ku doonaynin.
Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media