(New Delhi) 29 Luulyo 2019 – Hindiya ayaa dib uga fikiraysa qorshe ay ku iibsan lahayd daroonka Maraykan sameega ah ee Global Hawk, kaddib markii ay Iraan soo riddey bishii tagtay, sida uu dhigayo Hindustan Times.
Hindiya ayaa doonaysay in iibsato 30 daroon oo noocan ah oo ay ka bixin lahayd $6 bilyan oo doollar, balse haatan way ka laba labaynaysaa iyadoo ka walaacsan tayada dayuuradahan marka ay galaan hawooyinka cadaawaysan.
Waloow aan weli wax heshiis ah oo rasmi ah la kala saxiixan, misna Ciidamada Cirka Hindiya ayaa la fahamsan yahay inay doonayeen iibsiga 10 daroon oo ah General Atomics MQ-9 Reaper, halka kuwa Badduna ay doonayeen noocyada sameeyn kara sahannada dhaadheer ee sirdoonka ah.
Dayuuradahan ayaa sidoo kale qaadi kara gantaalaha cir ka dhulka ah iyagoo gaysta duqaymo qorshaysan iyo kuwo soo booddo ah intaba.
Iiraan ayaa soo riddey daroon ah kuwa wax basaasa ee U.S. RQ-4 Global Hawk, iyadoo adeegsatey gantaalaha Ruushku sameeyo ee S-300 mar ay dayuuraddani dul haadaysey Marinka Hormuus 20-kii Juun.
Hadalsame Media