(Stockholm) 29 Luulyo 2019 – Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay dhaleeceeynta uu madax waynaha dalka Mareeykanka Donald Trump u soo jeediyay Sweden, kadib wadahadalkii ey labada hoggaamiye kaga yeeshee telefoonka xaaladda fannaanka Asap Rocky.
”Aad baan uga xumahay in aanu Stefan Löfven wax ka qaban arrinkaa. Sweden waxay ku ballaan furtay madowga mareeykanka”, sida uu Trump ku qoray shaashaddiisa Twitter-ka.
– Ma jirto sabab aan aarinkaa ugala doodo Trump, sida uu sheegay Stefan Löfven isaga oo wargeeyska Allehanda uga jawaabaya wareeysi uu siiyay.
Madaxa dawladda Sweden ayaan aaminsanayn in kiiskaasi aanu saameeyn ku yeelan doonin xiriirka labada waddan ee Mareeykanka iyo Sweden, sida uu sheegay iyo inuu warkiisu caddaa markuu madax waynaha Mareeykanka telefoonka kula hadlayba.
– Warkaygu wuu caddaa iyo in aan laga gorgortami karin howlaha cadaaladda Sweden, wax macne ah sameeyn mayso cidda tefeloonka soo dirta ama Twitter qorta, sida uu wargeeyska u sheegay Löfven.
Maxkamada ka dhanka ah ASAP Rocky iyo labadda qof kale ee la socota ayaa talaaladada ka furmeysa Stockholm.
Xigasho: Idaacadda Sweden
Hadalsame Media