(Dhuusamareeb) 28 Luulyo 2019 – Odayaasha Dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb oo kaalin ka qaadanaya dhismaha Galmudug iyo xalinta khilaafka ka dhex jira dhinacyada Dowlada iyo kooxda Ahlusuna ayaa maanta kulan ku yeeshay Dhuusamareeb, iyagoo ka arrinsaday sida xalku ku jiro, sida uu ku warramayo weriye Cabdullaahi Warsame.
Odayadan ayaa ugu dambeyn isla qaatay in ay la kulmaan Guddoonka Ahlusunna Macallin Maxamuud Sh. Xasan, kaddibna u gudbaan Raysul Wasaare Khayrre, iyagoo dhageysanaya Heerka Isfaham ee Labada dhinac iyo in odayaashu taladooda ku biiriyaan si loo daweeyo tabashooyinka jira.
Raysul Wasaare Khayrre ayaa rajo badan ka qaba in uu xalliyo diidmada Ahlusunna ee ku saleysan ciidamada Booliska ah ee uu Raysul Wasaaruhu dalbadey, kuwaas oo rasmi ahaan qorshuhu ahaa in lagu wareejiyo amaanka Garoonka Diyaaradaha waxaana cutubyadan la socda eeyaha wax uriya, agab ciidan iyo qalabka baaritaannada.
Diyaaraddii sdidey Ciidanka Booliska gaarka ah oo Garoonka Muqdisho ka soo duushey barqanimadii maanta ayaa bib u laabatey 10 daqiiqo oo ay hawada ku soo jirtay kaddib, xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in xalay dowladu kordhisey tiradii Ciidamadaasi taa oo sare u qaaday walaaca Ahlusunna ee Ciidankaasi.
Raysul Wasaaraha oo ay saraakiisha qaar usoo jeediyeen in diyaaradu ka eggto Cadaado ama Caabudwaaq, ayaa ku adkeystay in diyaaradu ku Laabato Garoonka Aadan Cadde maadaama tilaabadaa haddii la qaado ay muujin karto fashil ku yimid howshii uu Dhuusamareeb u joogey wax ka badan 30 cisho iyo kala aamin bixid hor leh.
Khayrre iyo Wasiiradiisa Dhuusamareeb ku sugan ayaa isugu tegey aagga Raysul Wasaaruhu deggan yahay, waxaana jira kulamo xasaasi ah oo la rajeynayo in xal looga gaaro khilaafkan amniga.
Marka laga soo tago saameynta siyaasadeed ee isfahmi waagan ku saabsan, waxaa si caadi ah haatanba u wada shaqeynaya Ciidamada Amniga ee horay la iskugu dhafay oo ka wada howl gelaya goobihii la geeyay sida Booliska iyo NISA.
Hadalsame Media