(Ankara) 27 Luulyo 2019 – Madaxwaynaha Turkiga ayaa Maraykanka xusuusiyay inuu “waaqici noqdo” laba jeerna ka fikiro cunaqabatayn uu saaro dalkiisa, isagoo soo bandhigay hanjabaad in yar ka muuqata oo ku saabsan in Turkigu uu ka fiirsan doono iibsiga ilaa 100 dayuuradood oo nooca rakaabka ah oo uga dalban sharikadda Boeing, haddii uu xiriirku sii xumaado.
“Xittaa haddii aynaan helaynin miigagga F-35, waxaannu Boeing ka iibsan rabnaa 100 dayuuradood oo casri ah…. Mid ka mid ah dayuuradahaasina waaba timid, lacagtiina waa bixinnay, waxaan nahay macaamiil fiican,” ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay Ankara Jimcihii shalaytoole.
“Haddii ay sidan kusii socoto, waa inaannu dib uga fiirsannaa arinntan.” ayuu raaciyay.
Hadalsame Media