(Muqdisho) 27 Luulyo 2019 – 24 saac ee lasoo dhaafay waxaa Alshabab Soo saareen dhowr warbixin oo kusaabsan Qarixii Xarunta G. Banaadir, waxayna isku dayayaan inay marin habaabiyaan Shacabka iyo inta daacadda ah, waxay warbixintii ugu danbeysay ku sheegeen in qaraxu ahaa mid lagu rakibay ama lagu sii diyaariyay qaacada shirku ka socday, waxay ku celiyeen In logu tala galay Ergaygii UN ka!.
Danta ay ka leeyihiin marin habaabintaan Waa in uusan fashilmin xubnihii kala shaqeeyay fulinta Qaraxa sida kuwii ka fududeeyay dhanka Amniga iyo kuwii galiyay Gabarta Isqarxisay Xarunta Gobolka!!.
Waxaase illah mahadiis ah in xogta hore loosii hayay iyo target kaba oo xataa lagu sii qoray warbaahinta, balse nasiib darrada ayaa ah dowladdiiba in Alshabaab ku qabsaday laamihii Amniga Qaranka ka shaqayn lahaa!!.
Yaa ka sheegi?!! Yaa u sheegi?!!! Waxa meesha isku qarxiyay Waa Gabar Soomaali ah , Sadex caruur ah leh , ninkeeda hore iskugu miidaamiyay Hotel Nasahablood 2, Waxaana Qayb weyn ka qaatay Fulinta iyo Fududaybta Qaraxan Xubno sare oo maamulka G. Banaadir ah iyo taliyayaal sare oo NISA iyo Booliisba ah, sida xogtu sheegayso..!!!
Bartilmaameedku wuxuu ahaa Gudomiyaha G. Banaadir Inj. Yarisoow.
Waxaan talo ahaan usoo jeedinaa In Baaris Heer caalami ah laga furo, Madaxda Qaranka ayaa khatar ku jirta, horena Waan u sheegay Xilli ay daba qabasho lahayd, nin walbana maalintisa ayaa sida Eng Yarisow(Allah ha caafiyee) Xafiiska lagu dumin doonaa!!.
Waxaa Qoray: Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla, sarkaal hore oo ka tirsanaa Sirdoonka NISA.
FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media