
(Washington, DC) 27 Luulyo 2019 – Su’aashan ayaa asxaabta qaar i weydiiyeen hadaba aniga oo kaashanaya inta aan ka aqaan news-worth ama sheekooyinka war noqon kara haa waa war.
Sabab? Furriinka laftiisa ma ahan warku ee waa wax kasta oo Ilhaan la xiriira ayaa war ah, maadaama ay tahay siyaasi oo ah war gal (news maker), sidoo kale waxay xildhibaan u tahay dal aan kala dhaqan iyo diin nahay oo saxaafadiisuna naga duwan tahay.
Haddii Ilhaan ahaan laheyd gabar Maraykanka iska joogta oo aan siyaasi ahayn furriinkeedu saxaafadda war uma noqon laheyn.
Fiiro gaar ah: Dad badan oo aad iiga cilmi badan ayaa buuxa, aniga kaliya waxaan cabiray inta ay aqoonteyda saxaafadeed gaarsiisan tahay.
Tan kale, weli Hadalsame ma hayo wax xaqiijinaya sheegashada Daily Mail.
Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre
Hadalsame Media