(Hadalsame) 27 Luulyo 2019 – Waddanka Turkiga ayaa gaadiid ciidan ugu deeqay ciidamada Xooga Dalka Somalia.
Turkiga ayaa la sheegay inuu gaadiidkan oo ah kuwa dusha ka furan (pick up) ugu tala galay ciidamo uu isla isagu tababaray oo Komaandoos ah.
Gaadiidkan ayaa qayb ka ah qorshaha uu Turkigu uga qayb qaadanayo dib u dhiska, tababarka iyo tayaynta Ciidamada dalka Somalia.
Hadalsame Media