(Dimishq) 27 Luulyo 2019 – Dalka Suuriya oo haatan sanadkii 8-aad ku jira dagaal sokeeye waloow ay dowladda dhexe inta badan gacanta kusii dhigayso dalkaasi, waxaa durba soo baxay saamaynta dagaalkaasi lagu hoobtay ee weli holcaya.
Markii ugu horreysay taariikhda waxaa saa’id u kala batay Ragga iyo Dumarka Suuriya kaddib markii raggu ay noqdeen wax dagaallada ku dhammay iyo qaar dalka ka cararay waxayna tiradu noqotay Dumar 65% |■| Rag 35%.
Sida ay baahisey BBC Carabi, 1-kii nin oo Suuriyaan ah waxaa ku soo aadaysa qiyaastii 7 dumar ah, waana middaas tan keentay in qoysas badan ay gabdhahooda u guuriyaan niman xaasleyaal ah si gabdhahoodu aysan guurka uga daahin.
Dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa bilowday 15-kii Maarso 2011, goortaasoo ay magaalooyinka dalkaasi ka keceen dibed baxyo salka ku hayay kacdoonkii la magac baxay ”Gugii Carabta.”
Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf
Hadalsame Media