(Washington, DC) 27 Luulyo 2019 – Micheal Rubin oo ah nin aad uga soo horjeeda guud ahaanba Somalia, isagoo xitaa beri dhowayd ku jees jeesay Somalia oo uu sheegay inay ”isku taagtay dal ilaaliya” oo uu Kenya ula jeedey, ayaa haatan mar kale maqaal aabi ah ka qoray Somalia.
Halkan ka akhri sheekadiisii hore…
Wuxuu maqaalkiisa asaas uga dhigay in sida uu yiri la qabtay Farmaajo oo sheegaya in kooxda ay weeraraan “dalalka shisheeye, isagoo kooxdaasi ku eedeeyay inay soo kexeeysteen shisheeye Soomaalida la xasuuqa lana qarxiya dalkooda iyo dadkooda.”
”Kuweennu (Al-Shabab) waa doqomo maxaa yeelay ma weeraraan dalalka ay shisheeyaha oo isma dhaafayaan. Haddii ay sidaa ahaan lahayd wax bayba ahaan lahayd, balse waxay ogolaadeen inay dalkooda oo qura waxyeelleeyaan.” ayuu yiri Farmaajo.
Micheal Rubin oo warbixin dheer oo fal-celin ah ku qoray Washington Examiner ayaa DF Maraykanka, gaar ahaan Guddi Dibadeedka Koongarayska usoo jeediyay inay dib u eegis ku sameeyaan siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Somalia, isagoo sheegay in warka Madaxwaynuhu uu dhiirri gelinayo in la weeraro dalalka deriska ah. Halkan ka akhri maqaalka…
Si kastaba, waloow uu warka Madaxwaynuhu si ahaan wax run ah sheegayo, misna dad badan ayaa ku tilmaamay war aan ku haboonayn in fagaare laga sheego, maadaama siyaabo kala geddisan loo tarjumi karo, ujeedka ugu dambeeyana uusan sax noqon karin, markii siyaasad ahaan loo dhaqan-geliyo.
Ninkan ayaa soo wadaagey Twitter ku xiran nin cunsuri ah oo Maraykan ah oo beri dhowayd Ilhaan Cumar si qabyaaladaysan u maagayay, kaasoo la fahamsan yahay inay u warrameen isla dad kale oo Soomaali ah.
Unprecedented: President of #Somalia @M_Farmaajo caught on tape encouraging members of terrorist organisation #AlShabab to bomb other countries instead of focusing on #Somalia.
This is very dangerous rhetoric for the region, particularly for #Kenya, #Ethiopia and #Somaliland. pic.twitter.com/JBk69CkBw7
— bhlub (@thebhlub) July 25, 2019
Hadalsame Media