(Minneapolis, MIN) 26 Luulyo 2019 – Siyaasiyad Jamhuuri ah welibana aad u taageerta Donald Trump isla markaana doonaysa inay kursiga ka ridato Ilhan Omar oo haatan Aqalka Wakiillada ku metesha Minnesota ayaa lagu haystaa xatooyo ay ka gaysatey dukaan wayn oo halkaa ku yaalla.
Danielle Stella sanadkan oo qura waxaa la xirey laba jeer oo lagu qabtay nawaaxiga Minneapolis iyadoo loo haysto inay xadday alaabooyin ku kacaya in ka badan $2,327.97 oo ay ka xadday dukaanka Target ee Edina ilaa dukaanno ku yaalla koonfur galbeed Minneapolis 8-dii Jannaayo, halka ay alaabo ku kacaysa $40 doollar ka xadday dukaan cunto. Waase beenisay eedaymahaasi.
Stella, oo 31-jir ah isla markaana macallimad ah ayaa aad u sheegata inay taageerto Donald Trump, ayaa dacwadeeda loo gudbiyay maxkamadda Degmada Hennepin County iyadoo lagu haysto inay iska baxday iyadoo aan bixin lacagta waxyaabaha ay qaadatay iyadoo kaliya “iskaanka marisay alaabooyin ku kacaya $50 doollar.”
Isla Stella ayaa maalin dhowayd Minneapolis ku tilmaamaysey “caasimadda dembiyada Maraykanka”. Waxay horay u sheegtay “in ay booliiska shaqadii ka badatay oo ay daaleen” isla markaana haddii la doorto ay hoos u dhigayso heerka dembiyada. Dembiyo ay iyadii qayb ka tahay.
Stella ayaa haatan ku doodaysa in “aysan dembi lahayn inta lagu caddaynayo, sida uu sharcigu qabo.”
Qarreenka Stella, Joshua London, ayaa ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlo.
Hadalsame Media