”Rabitaankii shacabka Jubbaland waxaa afduubay ”Hoggaamiye Kooxeed” – QM, AMISOM & IGAD oo loogu baaqay inay tillaabo qaadaan

0

(Nairobi) 26 Luulyo 2019 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin ayaa markale soo hadal qaaday siyaasadda murugsan ee Somalia, gaar ahaan midda maamulka Jubbaland oo iminka u muuqata meel uu mustaqbalkeedu sii xumaanayo.

Wuxuu Twitter-kiisa kusoo qoray: ”Aasaaska dhamaanba dhibaatooyinka Afrika waa doorasho la xaday. Somalia waxaa 1967-kii ka dhacday doorasho tusaale u noqotay Afrika, laba sandood kaddib waxaa dhacday doorashadii ugu xumayd, waxaana xigey af-gembi ciidan.”

”Maanta hoggaamiye kooxeed ayaa isku deyaya inuu af-duubo rabitaanka shacabka Jubbaland. UN, AMISOM, & IGAD ilaaliya nidaam wanaagga.” ayuu raaciyay.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay sheegay inay ”xiriirkii u jareen” DF Somalia, taasoo ah kelmad ay dunidu la yaabban tahay, maadaama aanay jirin meel looga dhaqmo gobol xiriirka u jaraya dowladda ka talisa dalkii uu ka tirsanaa.

”Waa dhaqan-xumo siyaasadeed oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax lagaga qabto,” ayuu yiri Dr Aadan oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa marka laga soo tago dhega adaygga uu ku wajoho DF Somalia, mudadii 8-da sano ahayd ee uu jirey ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyaa inuu aad ugu dhega nugul yahay nidaamka Nairobi oo haatan wacad ku maray inay dabaqayaan siyaasad ka dhan ah danaha guud ahaan dalka Somalia, sida qaybinta iyo isku dirka umadda Soomaaliyeed.

Hadalsame Media