MUQDISHO: ”Magaalo ku qanacsan tacsi & cambaarayn! (Waxqabad ayaa loo baahan yahay)

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2019 – Waxaa isi soo taraya hadal hayn ku saabsan Madaxweyne Farmaajo ka ma hayno tacsi ku aadan masiibadii ka dhacday Xarunta Gobolka
Banaadir, madaxweynaha kuma kali aha arrintaas oo madaxda labada aqal iyo xaafiiska Raysal Wasaaraha intaba wali kama hadlin dhacdadaas oo ay ka soo wareegatay in ka badan 24 saacadood.

Run ahaantii hadii ay hortaada yimaadaan dhacdooyin xun xun oo ku argagax galiya waxaa suurtagal ah mararka qaar in aad noqotid qof ay la soo deristo aamusnaan kugu khasbaysa in aad garan weeysid wax aad ku hadasho ama ugu yaraan aad awoodi kari waysid xitaa in aad booqatid dadkii wax noqday.

Taasi waa mid ka mid ah calaamadaha lagu garto niyad-jabka taas oo ka dhalatay xaalado kaa tan badan marka aad dusha saarato tiiyoo ay jirto wax ka qabasho la’aan uu isu tirinayo qofka tiiraanyeeysan oo ku qancay heerka ay kartidiisu gaarsiisan tahay in uu ka hooseeyo intii uu markii hore moodayay.

Balse dadka la qabsaday tacsida iyo cambaareeynta ayaa waxa ay sugayaan kalmadihii loogu soo baroordiiqi jiray marka ay la kulmaan masiibo ku beeri karta naxdin iyo cabsi.

Su’aashu waxay tahay dadku ma tacsi iyo meel la istaago ayaa uga muhiimsan in la baabi’iyo halka ay ka imanayso halista haysata? Soow ma fiicna inay madaxda ka dalbadaan inay arrintan xal ka keenaan ama iska tagaan?

Bani’aadamku wuu ka daali karaa ku celcelinta hal sheeko maalin kasta sida waxaan cambaareeynayaa, waxaan ka tacsiyeeynayaa, haddiiba aanu jirin awood uu wax kaga qaban karo dadka shacabka ah iyo kuwa u shaqeeya Dowladda ee hortiisa lagu xasuuqayo.

Mana ahan wax cusub sida dhacdadii Kismaayo oo uu Madaxweyne Farmaajo la soo deg degay cambaareeynteeda, laakiin Muqdisho oo hor marsatay malaayiin tacsi iyo cambaareeyn ah maanta waxa kaliya ee la rabay in ay ku qanacdo waxaa habooneeyd in uu noqdo waxqabad iyo isku duubni dadka iyo dowlada ay kaga hortagaan ma naxayaasha xasuuqa ba’an ku haya.

W/ Q: Cilmi Cismaan Faarax Boodhari”

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan

Xusuusin: DF Somalia dowlad ahaan waa uga hadashay arrintan, waloow uusan hadal waxba taraynin, si kastaba.

Hadalsame Media