Iiraan oo gudaha dalkeeda ka qabatay ”shabakad Sirdoon” oo caalami ah (Somalia..??)

0

(Tehraan) 26 Luulyo 2019 – Nidaamka dalkaasi Iiraan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen jawaasiis gaaraysa 17 qofood oo u basaasayay hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah ee CIA, kuwaasoo qaarkood toogasho lagu xukumay.

Iiraan ayaa sheegtay in “hay’adaha amaanku ay gacanta ku dhigeen shabakad ay leedahay hay’adda CIA,” sida uu sheegay Madaxa Waaxda ka hor tagga Sirdoonka ugu qaybsan Wasaaradda Mukhaabaraadka Iiraan, kaasoo aan haybtiisa la faafin, balse warbaahinta xog ku siiyay Tehraan.

“Dadka sida kaska ah u khiyaanaya dalka waxaa loo gudbiyay garsoorka,” ayuu yiri isagoo raaciyay. “Qaar baa dil lagu xukumay, halka kuwa kale loo jaray xabsiyo dhaadheer.”

Washington ayaa beenisey wax uu MW Maraykanku ku tilmaamay ”sheeko gebi ahaanba la dhisaalay.”

Dalka Somalia ayaa ka mid ah meelaha ay faraha ba’an ku hayaan basaasyada caalamiga ah, kuwaasoo ay xitaa qaarkood siyaasiyiin sheegtaan ama xilal dowladeed hayaan.

Hadalsame Media