DAAWO: Waxay liqday 69 katiinadood, 80 dhega-dhego ah, 46 qadaadiic, 8 koore, 11 san-xir, 5 shab, 4 fure & hal saacad oo wada dahab ah!! + Sawirro

0

(West Bengal) 26 Luulyo 2019 – Dhakhaatiir qalliin ku samaysay ayaa kasoo saartay dahab ku kacaya £53,000 oo gini oo ay liqday haweenay Hindi ah.

Runi Khatun, 26 jir, ayaa mar qura daciiftan oo aad u caatoowdey, markaasoo isbitaalka loola cararay 16-kii bishan Luulyo, gaar ahaan gobolka West Bengal, kaddib markii ay bilowday inay matagto cunto kasta kaddib.

Markii baaritaan lagu sameeyay waxaa la ogaadey in ay liqday xaddi fara badan oo dahab ah, waxaana markiiba loo diyaariyay qalliin deg deg ah.

Waa la yaabe, waxaa caloosheeda laga soo saaray 69 katiinadood, 80 dhega-dhego ah, 46 qadaadiic dahab ah, 8 koore, 11 san-xir oo dahab ah, 5 kale oo ah shabta anqowga lagu xirto, 4 fure oo dahab ah iyo hal saacad oo dahab ah.

Haweenaydan ayaa dahabka ka liqi jirtey gurigooda, waxayna hooyadeed sheegtay in ay tebaysay maqnaanshiyaha dahabkan, balse aanay abid ku fikirin inay gabadheedu laqaysay.

Hadalsame Media