(Muqdisho) 25 Abriil 2019 – Wararkii ugu dambeeyay ee Hadalsame Media kasoo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in aysan jirin dayuurad ka timid Qadar ee soo gaartey Garoonka Aadan Cadde.
Waa jirtaa in dayuuraddaa laga sugayo dhanka Qadar, balse weli sooma duulin, waxaana dib u dhaca ugu wacan iyada oo fasax ama rukhsad (clearance) ka sugaysa dalka Iiraan oo ay ku khasban tahay inay hawadeeda soo marto maadaama ay go’doonsan tahay, iyadoo kaddib soo maraysa Cumaan, Yaman iyo biyaha caalamiga ah ee gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta. War haatan nasoo gaaray wuxuu sheegayaa inay dayuuraddu iman doonto 5ta subaxnimo.
BAARITAAN HORDHAC AH – Dhanka kale, baaritaan hordhac ah oo haatan la sameeyay ayaa muujinaya in la tuhmayo in qaraxa ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir uu lugaha la galay laba gabdhood oo ka shaqaynayay isla Xarunta Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay midi indhoole ahayd.
Gabadha indhoolaha ahayd ayaa la oran jirey Basiira waxayna ku magacownayd La Taliyaha Arrimaha Naafada ee Gobolka Banaadir, halka ay gabadha kale iyada caawin jirtey oo ay gayn jirtey shaqada, xaafadeeda iyo meeshii ay u baahato.
Guud ahaan 7 bilood ayay ka shaqaynayeen Xarunta Gobolka. Waxaa baaritaanka la sameeyay oo ay ku jirto in dib loo daawaday kaamirada amaanka ee CCTV ayaa waxaa kasoo baxday arrin lala fajacey oo ah inaan gabdhahan la baari jirin, iyagoo qol gaar ah ku lahaa Xarunta, isla markaana aan badiyaa maqnaan jirin. Dad ayaa loo qabqabtay tuhunkaasi.
Hal arrin oo aan weli la xaqiijin karin waa doorka ay qaraxa middoodba ka gaysatey, iyadoo aan weli si saaxi ah loo sheegi karin inay qaraxa qorshayntiisa ku wada jireen, iyo haddii aysan ku wada jirin qofkii howsha waddey ee qofka kale adeegsanaysay, iyadoo inta badan farta lagu godayo gabadhii caawinaysay gabadha indhoolaha ah.
CAAFIMAADKA GUDDOOMIYAHA – Waxaa nasoo gaaraya khabar intii hore ka wanaagsan oo sheegaya in xaaladda Guddoomiyuhu ay haatan xasilan tahay, isagoo ku jira koomo, balse si caadi ah u neefsanaya.
Waxaa la sheegay in ay 2 firir caloosha ka galeen, balse aysan jarin xubno muhim ah sida mindhicirrada, sidoo kale waxay wax ka gaareen lafta goonka oo uu ka tararsan yahay, waxaa kale oo jirey halbowle dhanka qoorta ah oo banjaray balse iminka qalliin lagu xalliyey, waxaana aad looga rajo qabaa inuu soo tooso, waloow qalliino kale dibedda loogu qaadayo, waxa kaliya ee laga cabsan karaa waa in ay wax u gaysatey jugtii qaraxa (impact).
Dhanka kale, waxaa guud ahaan lagu fakaday oo khasaaraha yareeyay qaraxa oo qaab joog ah xooggiisu u baxay, balse aan jiif u qarxin. Dadka ilaa haatan dhintay waa 11 qofood oo ay ku jiraan gabdhaha aannu soo sheegnay.
Hadalsame Media