(Muqdisho) 25 Luulyo 2019 – Sidii aad la socoteenba kaddib qaraxii shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir waxaa halkaa ku dhaawacmay ama ku dhintay madax ka tirsan Maamulka Banaadir.
Waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah Guddoonka Gobolka iyo Guddoomiyeyaal Degmo, waxaana dadkaasi ka mid Inj. Yariisoow.
Wararkii ugu dambeeyay ee aannu ka heleeyno Isbitaalka Erdogan ama Difgeer ayaa sheegaya in uu haatan xaalkiisu deggan yahay, balse uu koomo ku jiro, isla markaana uu caadi u neefsanayo.
Dhanka kale, dayuuraddii ilaa shalay la sugayay oo ay ahayd inay Muqdisho soo gaarto 5-tii subaxnimo ayaa mar kale dib u dhacday, iyadoo haatan la sugayo 2-da duhurnimo aminta maxalliga ah ee Muqdisho haddii ay wax kasta u dhacaan sida loo filayo, sida aannu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo.
Hadalsame Media