(Hadalsame) 25 Luulyo 2019 – Sidii dad afyuun wada cabbay bay riyadiisa waalan run ka wada dhigtaan. Riyadiisii kowaad wax uu ku arkay isaga oo dalka ka soo saaray macdanta kaarboohaydaraad oo ay ka wada taajireen, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen.
Riyo kale Michael Walls baa doorashadooda aqoonsaday, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen. Riyo kale wax uu ku arkay Soomaalilaand in ay tahay Jigjiga Yar iyo Xaraf, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen.
Riyo kale wax uu u gu dhisay Berbera Koridoor, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen. Riyo kale wax uu DP World u gu maalgaliyay Dekedda Berbera oo dhaqaalahooda samada geyn doonta, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen.
Riyo kale wax uu baasaboorka Soomaalilaand aqoonsi u ga soo helay Ingiriiska, Imaaraadka, Itoobbiya iyo Jabbuuti, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen. Riyo kale wax uu Imaaraadka suuq u ga soo helay muqumadda iyo jabdhanka, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen.
Riyo kale wax uu ku tusay Itoobbiya in ay tahay walaalahood, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen. Riyo kale magaciisa weyn iyo magaca Soomaalilaand ayuu xoolaha Sacuudiga u gu dhoofiyay, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen.
Xalayna riyo cusub wax uu ku arkay Boris Johnson in uu yahay saaxiibkood, waana ay ku ammaaneen oo ku mahadiyeen.
Waxaa riyooyin is ka soo dabo dhacaya, ee soojeedka iyo hurdadaba la gu arkayo, ee haddana sida cadceedda u wada runta ah, ogow oo waxaa wada dareenka buka oo marka uu aad u xooggan yahay garashada daboola, tabta maandooriyuhu beenta run u ga dhigo.
Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarumayaa aragtida qofka ku saxiixan
Hadalsame Media