Kula noolaha aadan arkeynin!!! (Qormo qiime badan)

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2019 – Waxaan ciwaanka sheekadaan u xushay waxey tahay sheekada dulucdeeda oo ah wax kula nool oo hadana aadan adigu arkeynin taasoo ah, Maalin walbo waxaan maqalnaa Qarax baa dhacay iyo Qof baa la dilay.

Kuwa nadilayo Waa kuwa Dadka ku dhex nool oo aan hadana la arag , wuuu kula qaxweynayaa Waa sxbkaa ama ehelkaaga, Waa qof aad wada shaqeysaan,Waa sxbkaa facebookga friend kaala ah markuu qaraxa dhoco ama dhibku dhacana Waa uu kaaga horeeyaa tacsida iyo beer laxawsiga balse adigu ma garan kartid.

Waa ehelkaaga ama walaalkaa wuxuu xiriir la leeyahay Dadka ummada baabi’iyo oo uu xogta siiyaa hadana meel buu kaala soo toosay!

Waa sida cudur dilaaga ah ma garan kartid waqtiga uu kugu dhacayo balse u baahan Talaal kaasoo ah ka hortag.

Marka xigta Doorka ugu muhiimsan Waa waalidiinta oo dareemi karo dhaqdhaqaaqa caruurtooda, hadii ay u arkaanna in uu ka biyo diidayo waalidka ay meelaha dadka lagu xiro geeyaan oo ay dhahaan iigu haaya halkaa.

Bulshada door muhiim ah ayey ka qaadan kartaa hadii ay laamaha amniga la shaqeeyaan oo ay la wadaagaan xogaha qofka la tuhmo ee dhaqdhaqaaqiisa iyo saaxiibada uu ku xiranyahay ay yihiin Dadka dhibaatada geysta.

Laamaha amnigana waa in ay iyagu daba galaan xogta ay bulshada ka helaan iyaga oo ay dhayalsan oo ay daacad ka noqdaan laftooda badbaadinta Dadka iyo Dalka.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa Kula Noolaha aan la arag kaliya alle baa ku filan ee I dinkuna is kaashada.

Waxaa Qortay: Intisaar Saalax Xuseen

Hadalsame Media