
(Tunis) 25 Luulyo 2019 – Madaxwaynihii Tunisia ayaa geeriyoodey isagoo 93-jir ah kaddib markii isbitaalka loola cararay markii 3-aad todobaadyadii ugu dambeeyay.
Idaacadda Mosaique iyadoo warbaahinta dowladda ee Wataniya ayaa sheegay in Beji Caid Essebsi isbitaalka ciidanka la dhigay habeennimadii Arbacadii isagoo ka sheeganaya jirro aan la shaacin.
Xafiiska Warfaafinta ee Essebsi ayaan wax war ah umuurtaasi ka siinin warbaahinta.
Wuxuu ku jiraa “qaybta gargaarka deg degga ah, xaaladduna ma fiicna,” ayaa laga qoray Hafedh Caid Essebsi oo la hadlay AFP.
Essebsi wuxuu ahaa Madaxwaynihii 5-aad ee dalkaa soo mara tan iyo xorriyaddii 1957-kii, waana kii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto 21-kii Diseembar 2014, isagoo ahaa natiijada Kacdoonkii Guga Carabta oo isla Tunisia ka bilowday.
Wuxuu Abriil 2019 sheegay in aanu u tartami doonin doorashada madaxtinnimada oo la qabanayo bisha Nofeembar ee soo aaddan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in qof tamar haya oo da’ yari uu dalka maamulo.
Hadalsame Media