DEG DEG: Dayuuraddii qaadi lahayd dhaawaca madaxda Gobolka oo fadhida Garoonka Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2019 – Waxaa goor dhowayd garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde kasoo degtey dayuurad ciidan oo laga soo diray dalka Qadar.

Dayuuraddan oo ah nooca xamuulka ah ee uu Maraykanku farsameeyo ee B-5 ayaa u timid qaadista Guddoonka Gobolka Banaadir Inj. Yariisoow iyo madax kale oo ku dhaawacmay qarax shalay lagu qaaday Xarunta Gobolka oo lagu shirsanaa, kuwaas oo haatanba la saari rabo.

Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha ayaa deggan, iyadoo uu weli ku jiro koomo macmal ah oo la geliyay maadaama uu galay qalliino badan.

Wixii kasoo kordha nagala soco…

Hadalsame Media