DAAWO: Somaliland oo bilowday inay isku xayaysiiso QARAXYADA koonfurta Somalia

0

(Hargaysa) 25 Luulyo 2019 – Waaxda Warfaafinta Somaliland ayaa samaysay muuqaal ama gabal ah oo ay ”iidheh” ahaan ugu adeegsanayso qaraxyada magaalada Muqdisho.

Muuqaalka oo loo sameeyay qaab isku xayaysiin ah ayaa waxaa ku dhex jirta weriyaha BBC ee Mary Harper, oo ka mid ah dadka Soomaalida u kala warrama ama haddii sida kale loo yiraahdo ”Laurence Al Carabiga” cusub ee Soomaalida.

Harper oo sidii carruur ugu sheekaynaysa dhowr qof oo dhegeysanaya oo ay kuwo madax ihi xitaa ku jiraan ayaa ku hantaatacaysa hadal si ahaan run meelaha qaar ka noqon kara, balse aan ku habboonayn qaabka iyo ujeedka ay iyadu u dhigayso ama kuwa ka dhegeysanayaa ay u macaansanayaan.

”Marka aan halkan (Somaliland) joogo waxaan dareemayaa amaan sida Itoobiya oo boorsadayda haddaan ka tago cidina iga taaban mayso, balse marka aan Somalia joogo waxaan dareemaa amaan darro, waxaan u baahnahay 6 ilaalo ah oo hubaysan, gadaashaydana waxaan ka maqlayaa qarax, halka meeshan aad maqlayso dadka sheekaysanaya iyo muusig.” ayay u sheegaysaa dadkii dhegeysanayay oo isu bogbogaya qaarkoodna ay uga jiibinayaan qosol ixii ah.

Tan ugu darani waa in codkaas oo muusig gadaal socod ah la saaray, lasoo dhigay Waaxda Warfaafinta ee Somaliland, oo weliba kusoo dhejisey astaanteeda.

Arrintan ayaa muujinaysa qiyam iyo anshax xumi baahsan akhlaaqi ahaan, iyadoo oo aan laba jeer laga fikirin in qarax iyo dhib Soomaali kale haysta la isku xaysiiyo ama la isku xiro, iyadoo ay dabcan wax fiican oo lagu farxo ay tahay amaanka ka jira Hargaysa, balse ay khalad tahay amaan baan haystaa inaan loo dhigin ku digashada meeshii aanu ka jirin.

Kaddib burburkii nidaamka dhexe ee Somalia ayaa waxaa dalka ka hana qaaday maamullo ay xukumaan ashkhaas siyaasiyiin sheeganaya oo umaddii kala ooday iskuna diray.

Hadalsame Media