(Muqdisho) 24 Luulyo 2019 – Xogta qaraxii maanta ayaa si faah-faahsan waxaa layga sheegey in gabadha is qarxisay ay hogaaminaysay waaxda indhoolayaasha oo qayb ka ahaa shirka tubaha oo goobta ka socdey.
Gabadha ayaa la sheegay inay shirka kusoo gashay inay caawinayso gabadha indhoolaha ah oo lafteedu qaraxa ku dhimataya, sida ay xogtu sheegayso, waxaa se la yaab leh inaan cidna la baarin.
NISA ayaa horey u sheegtey in gabar qarax isku xirtey ay kujirto magaalada suuragalna ay tahay in ay bartilmaameedku yahay xafiiska R/Wasaaraha ama kan guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyaga oo sii raaciyay in gobolka ay u badan tahay xogta ay helayeen.
Laamaha amniga u xilaaaran gobolka ayaa xogtaas hayay iyaga oo aan muujin wax feejignaan ah, laakiin su’aasha ayaa ah sidee gabadha shirka qayb haba ka ahaatee aan loo baarin? Waxaan ognahay guddoomiyayaasha iyo shaqaalaha kaleba la baaro iyaga iyo cidda la socotaba.
Waxaa beenowdey xog ahayd qaraxa waa lagu sii xirey goobta maadaama xogta gabadha is qarxisay horey loo sii shaaciyay, aragtideyda meesha sawir iyo tubaha oo shacabka lala wadaagay meeshii laga sheegi lahaa jug xoogan ayaa ka dhacdey oo mas’uuliyaddeeda koowaad uu leeyahay ninka amniga xarunta gobolka mas’uulka ka ah.
Arrintan ayaa muujinaysa in laga sii fogaanayo anshaxii, iimaankii, iyo insaaniyaddii Islaannimo haba joogtee, marba haddii qof indhoole ah oo dhibban sidaa lagu qarxiyay, isagana laga dhigtay kaar lagu cid galo.
Hadalsame Media