”Waxay igu leeyihiin maad guursatid oo ilmo dhashid, mid bay se moog yihiin!” – Niciimo Qorane

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2019 – Waa dhexdaas ahayd oo aan tagay Botswana caasimadda Gaborone, waxaan booqday iskuul hoose dhexe, waxa aan dhawr su’aalood waydiiyay carruurta fasalka kowbaad dhigata. Carruurtaas sida wax loo baray waad yaabaysaa.

Su’aalahaas waxaa iiga jawaabay Ilmo yar oo aan da’ahaan kawaynayn 6 sanno. Waxa aan waydiiyay, kaynta marka la tago maxaa ka reebban sharciga kaynta? Wuxuu iigu jawaabay, “ In aan dhirta la jarin waayo deegaanka ayay muhiim u tahay iyo in aan kor loo qaylin sababta oo ah noole ayaa ku nool mana aha in la dhibo.“

Waxaa kale oon waydiiyay marka ay Ishaaradu baxayso(traffic light) ku ee ay baabuurtu wada istaagto yaa awood u leh inay dhaafaan? Waxa uu iigu jawaabay, Umbalaaska iyo dabdamiska. Arrintan waxa aan idiinla wadaagay, ilamaha barbaarintiisa waa in waalidkii dhalay iyo dawladi ay iska kaashadaan si hadhow ilmuhu dunidan wax ugu soo kordhiyo.

”Waxay iska keey leeyihiin maad guursatid!”

”Imika dad badani waxa ay i waydiiyaan, maxaad u guursan wayday ee aad carruur u dhali wayday!!?” Waxaa se ay ahayd inay is waydiiyaan inta aanay waxba i waydiin, kuwii hore loo dhalay ayaan qorshe loo hayn e, xaggee qaar kale loogu baaqayaa!!!?

Gunaanadkii, innagu dawlad ilmaha doorkiisa ka qaadata ma haysanno, dalkan na ka haajiri mayno ii innagu isaga ayaynu leennahay, markaa inta aynaan ku fekerin wax dhala, waa in aynu ka fekernaa wax dhisa si ugu yaraan ubadkiinnu aanay ugu noolaan dawlad la’aantii aad idinku kusoo korteen.

Waxaa Qortay: Niciimo Abwaan Qorane

Hadalsame Media