(Dooxa) 24 Luulyo 2019 – Xafiiska Warfaafinta dowladda Qadar ayaa ka hadlay sida ay u arkaan warka lagu qoray wargayska New York Times ee sheegayay in Qadar ay ugu yaraan ka raalli ahayd weerar ay Al Shabaab bishii Maajo ku qaadeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Qadar ayaa sheegtay in siyaasad dibadeedkeedu ay had iyo goor ahayd in la abuuro xasillooni iyo baraare – isla markaana aanay Qadar dhex boodin umuuraha maxalliga ah ee dalalka madaxa bannaan.
”Qof kasta oo sidaa ku shaqaynaya ma metelo siyaasadda Qadar.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiskaasi.
Qadar ayaa sheegtay in Imaaraadku uu Somalia ka wado siyaasad iska hor keen iyo qaybin ah, iyagoo maaliyad adeegsanaya, waxay kaloo qoraalka ku sheegtay in Khalifa al Muhannadi aanu Qadar u ahayn haatan, weligiina u noqon, la taliye nooc kasta oo uu ahaadaba, isla markaana aanu metelin una hadli karin dowladda Qadar oo aanu mabaadii’deeda ka tarjumin, sida lagu yiri warka.
”Somalia waa jaal muhim u ah Dowladda Qadar, balse annagu ma fara gelinno arrimeheede. Waayo xiriirka aannu Somalia la leenahay wuxuu ku dhisan yahay is xushmayn iyo dano la wadaago. Waxaannu rajaynayaa wixii u roon Somalia iyo dadkeeda, waana sii amba qaadaynaa taageeradeenna ilaa amaanku ka xasilo.” ayaa lagu yiri warka qaab u eg dhega hadal ku socda Imaaraadka.
Qadar ayaa warqaadka New York Times ka codsatay in loosoo gacan geliyo codka la sheegay in loogu adeegsado baaritaanka sida ay wax u dheceen.
DF Somalia ayaa u baahan inay ka digtoonaato xintanka dalalka Khaliijka, iyadoo taa biddaalkeeda adeegsanaysa siyaasad ay wax uga macaashi karto xintankaasi.
Hadalsame Media