Siyaasiyiin ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Xarunta Gobolka (Maxay ka yiraahdeen?)

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2019 – Tacsi ka dib masuuliyiintani waxa ay ka hadleen masiibada qaraxyada maal,maha. Joogtada Noqday ee ka jira magaalada
Muqdisho ” Waxaana bogaga ay ku leeyihiin baraha bulshada ay ku soo qoreen hadal runtii Dareen xanbaarsan

XASAN SHEKH MAXAMUUD

”Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in Sidaan wax laga baddalo oo loo istaago badbaado Qaran , Dadka siyaasadda isku Dhibsadana waxaan leeyahay cadowgu uma kala sokeysaan oo mid uu hoobiye ku tuuro iyo mid uu qarax la beegsado ayaan u dhaxeynaa ee Soomaaliyey badbaado ha loo istaago.”

SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED

”Argagixasada Alshabaab malahan xal aan ahayn in umadda laga qabto, lagana hortago, sidaa darteed madaxda dowladda iyo laamaha amniga waxaan markale ugu baaqayaa inay u istaagaan, mas’uuliyad gaar ahna iska saaraan sidii cadowgaas looga adkaan lahaa.”

CABDIRAHAMAN C/SHAKUUR WARSAME

”Aad ayey u xanuun badan tahay in aan maalin kasta tacsi u taaganahay, shacab, madax iyo ruux muuqdana cadawgu gumaado. Waxaan Ilaaheey ka baryayayaa in inaga iyo hogaanka dalkaba Alle na waafajiyo in dhabta iyo xaqiiqda wajahno oo cadawga dadkeena maalin walba gumaadaya ficil iyo hawlqabad dhab loola soo jeesto, dhalanteedka iyo dheeldheelkana ka baxno oo la joojiyo xafladaha, riwaayadaha, sawirada quraxda badan , shirarka, martiqaadka cashooyinka iyo qadooyinka, labiska suudadka qaaliga, iyo waaqaca oo laga been fariimo.”

Waxaa Diyaariyay: Cilmi Cismaan Faarax Boodhari

Hadalsame Media