SADARRADA DHEXDOODA! Eedaynta QADAR ma noqon kartaa arrin ay dhiseen gaashaanbuurta Imaaraadku?!!

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2019 – New York Times, waa hay’ad warfaafineed oo madax bannaan, maqaalkii lagu eedeeynaayay Qadar inay ka dameeysay qaraxii Bosaaso, waa mid abuuraayo shaki badan oo loo baahan yahay inay NYTIMES ka jawaabto.

1 – Waxay sheegtay inay hayso cod duuban, haddaba maxay banaanka u keeni weeysay codka duuban ee ay hayso?

2 – Waa ayo hay’adda sirdoon ee ka horjeedda ”siyaasadda dibedda Qadar” ee ay ka soo xigatay warkan? Sideese lagu aamini karaa hay’ad marka horeba ka horjeedda Qadar?!

Aragtideeyda: Arintan anigu qof ahaan waxaan u arkaa mid daba socota dagaalka ka dhaxeeya Qadar iyo xulufada Imaaraadka ee Somalia ku colaadiya Qadar & Turkiga, caqliga saliimka ah ma ogolaanaayo in dowlad qani ah oo awooda jidad badan inay isku mariyaan siyaasadooda sirta ah inay telefoon u isticmaalayaan.

Dowladda Qadar waxay leedahay hay’ad sirdoon kuwa ugu waaweyn aduunka, waxay leedahay Wasaarad Arimo Dibadeed oo aad u dhisan, maskaxdu markaa ma qaadan karto arrimaahaan dhaawacaya siyaasadooda dibedda weliba waqti ay hada ku jiraan inay telefoon sidaa sahalka ah ugu sheekeeysan karaan?

Waxaa kale oo muuqanaysa in la dhegeysto telefoonnada madaxda, taasoo ay tahay inay ka feejignaadaan madaxda DF Somalia.

Wax baan urinayaaa…

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu u gaar yahay qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media