(Muqdisho) 24 Luulyo 2019 – Waxaa soo baxaya warar hor leh oo ku saabsan dadka wax ku noqday weerarkii maanta lagu qarxiyay Xarunta Gobolka Banaadir (Ufficio Governo).
Waxaa haatan la xaqiijiyay inuu geeriyoodey Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banaadir, Allaha u naxariistee Cabdifitaax Cumar Xalane oo isbitaalka la geeyay isagoo qaba dhaawac culus, waxaa kale oo ay wararku sheegayaan inuu dhintay Cabdullaahi Dheere oo ka tirsanaa Agaasimayaasha Gobolka, waloow aynaan weli hubin.
Qaraxan ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen Guddoomiyihii Degmada Cabdicasiis Sabaax Asad iyo Guddoomiyihii Degmada Waaberi Mahad Cilmi. Waxaa kaloo la sheegay inuu dhintay Injineer Shuuriye.
Waxaa kale oo dhaawac qabta Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Basmo Caamir.
Dhanka kale, wararka Guddoomiyeyaasha degmada & xitaa dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka waxaa ka jira warar is khilaafsan, wararka qaar ayaa sheegaya in aanu darnayn dhaawaca Guddoonku, halka Guddoomiyeyaasha dhintay la isku khilaafsan yahay oo mar la leehay mid baa dhintay labana waa dhaawac, marna 2 ayaa dhimatay midna waa dhaawac.
Wixii ka cusub kala soco halkan haddii ALLE idmo…
Hadalsame Media