Guddoomiyaha Gobolka oo dhaawac darani soo gaarey & Guddoomiyeyaal Degmo oo la sheegay inay dhinteen (Xogtii u dambaysay)

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2019 – Waxaan warar dhiilla leh ka helaynaa weerar is miidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, taasoo ay ka dhacday khasaare nafeed.

Madax ka tirsan DF Somalia ayaa Hadalsame u xaqiijiyay inuu dhaawac daran qabo Guddoonka Gobolka Banaadir Md Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Yariisoow ayaa la sheegay inuu haatan yaallo Isbitaalka Digfeer, isagoo ay la tacaalayaan dhakhaatiirta isbitaalku, waxaa kale oo la sheegay inay geeriyoodeen guddoomiyeyaal degmo aynaan weli magacyadooda helin balse loo badinayo kuwa Degmooyinka Cabdicasiis, Waaberi iyo Warta-Nabadda, maadaama uu qofku isku qarxiyay isla xafiiska Guddoomiyaha, gaar ahaan hoolka shirarka oo uu xilligaa ka soconayay Shirka Tubaha Qaranka.

DIGNIIN LA GAARSIIYAY!

Madax DF ka tirsan ayaa sheegaya in Sirdoonka Somalia uu todobaadyadii dambe Inj Yariisoow gaarsiiyay digniin ku aaddan in lagu soo wajahan yahay sidaa darteed uu is jiro, balse waxaa suuragashay in uu gudaha galo qofka is qarxiyay.

Wararka qaar ayaa se sheegaya in waxa qarxay meesha la sii dhigay oo dibedda laga qarxiyay, balse waxaa la isku raacay in bartilmaameedka 1-aad uu ahaa Guddoonka Gobolka Yariisoow.

”Weli wuu neefsanayaa oo wuu nool yahay, balse dhaawaciisu waa culus yahay.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan DF Somalia oo magaciisa qariyay oo u warramay Hadalsame. Weli xoguhu ma wada hubbana.

Wixii kusoo kordha nagala soco…

Hadalsame Media