(Muqdisho) 25 Luulyo 2019 – Waxaa nasoo gaaraysa warar sheegaya in ay hada Garoonka Aadan Cadde ee caalamiga ah ay fadhisi diyaarad khaas ah oo muddaba la suayay.
Dayuuraddan oo ah kuwa caafimaadka ah lagana soo diray dalka Qadar, isla markaana siday dhakhaatiir ayaa iyaguna goor dhow gaaray Isbitaalka Digfeer oo lagu dabiibayo inta badan dhaawacyadii ka dhashay musiibadii galabta ka dhacday Aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho.
Diyaaraddan iyo dakhaatiirta la socota ayaa qorshahoodu yahay iney isla caawa Muqdisho ka qaadaan dhaawaca Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Inj Cabdiraxmaan Yariisoow.
Wararka aannu ka heleeyno isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayaa sheegaya in Guddoomiyaha lagu sameeyay ilaa saddex qalliin, waxaana sidoo kale la qaadayaa dhamaan dhaawacyada kale si loogu soo dabiibo dalka Qadar.
Hadalsame Media