AJNABI IS MOOD: Saxaafadda gudaha oo sii luminaysa dhadhankii saxaafad MAXALLI ah! (Xitaa SNTV…)

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2019 – Saxaafadda gudaha dal kasta waxa ay shaqadeedu tahay in ay ahmiyad gaar ah siiso wararka iyo waxyaabaha quseeya deegaanka ay ka dhisan tahay islamarkaana aad uga fikiraan waxa ay u baahantahay bulshada ay la hadlayaan.

Marka ay timaado wax yaabaha danta guud taabanaya saxaafadu waa in ay mudnaan gaar ah siiso oo ay ka haqabtirto bulshada.

War waa sheegis hadii uu yahay mid dhiillo xanbaarsan iyo san balse qaabkee loo wajahayaa.

Markii la weeraray huteelkii Kenya saxaafada Kenya waxa ay joojisay dhamaan barnaamijyadii caadiga ahaa iyaga oo barnaamijyo gaar ka sameynayay dhacdada islamarkaana shacabkoodu u muujinayay sida ay ula duubanyihiin.

Maanta waxaa weerar lagu qaaday Xarunta doowlada hoose ee Muqdisho.

Weerarkaasi wuxuu ahaa mid si toos ah muqdisho loogu weeraray oo lagu laayay madaxdii doowlada hoose duqii magaaladana lagu dhaawacay.

Saxaafada muqdisho oo aan isha ku hayay waxa ay badankeed uga warameysay sidii wariye idaacad kale oo ajnabi ah wakiil uga ah muqdisho oo war ka diyaariyay qaraxa dhacay.

Maxaa laga rabay saxaafada Muqdisho?

Waxay ahayd in ay joojiyaan dhamaan barnaamijyada caadiga ah islamarkaana sameeyaan tabin,faaleyn iyo dareenka dadka ee ku wajahan mashaqada maanta dhacday.

Waxay ahayd in ay muujiyaan dareen murugo leh ayna sameeyeen calaamad ay dhamaantood ka simanyihiin taas oo muujineysa in ay magaaladooda la murugoonayaan.

Waxaa la yaab leh in xitaa saxaafaddii ku hadlaysey magaca DF Somalia ay u muuqato mid aan wax dareen ah oo badan iyo ahmiyad siinaynin musiibada dhacday.

Waqtigii aan ka shaqeynayay Hornafrik ayaa warka ka hor waxaan ilaah ha u naxariistee Cali Iimaan oo madax ii ahaa aan la wadaagay wararka aan maalinkaas heynay oo sideed ka mid ah ay ka hadlayeen dagaalo ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah

Waan xasuustaa weli Cali Iimaan inta uu hoos eegay kana uur xumaaday colaada ayuu yiri waxaad dhahdaan dhageysta yaal waan ka xunahay warkeena waxaan maanta ku heynaa dagaalo meelo badan oo dalka ka mid ah ka dhacay.

Arintaasi waxay igu dhalisay dabac waayo waqtigaas aqoonteyda dhanka saxaafada waxay ahayd mid ku kooban war sidee loo helaa iyo xaggee laga helaa waxaana jeclaay wararka khilaafiga ah waana sida aan dareemayo in ay ahaayeen wariyeyaal badan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media