(Hadalsame) 23 Luulyo 2019 – Maalin Alle soo goodo halkan waxaa la ii gu soo diraa codad si sir ah loo ga duubay dad waaweyn oo umadda arrimaheeda meel sare ka ga jira, kuwaas oo ka hadlaya gole qoladoodu umadda kale u gu tashato.
Ma siyaasi baa, ma xildhibaan baa, ma aqoonyahan baa, ma qof caadi ah oo dadka wax isaga dhigaa… wad uun!
Waad fajacaysaa dadkaasi waxa ay balaayo iyo cudur qabiilkooda ku dhex faafinayaan iyo waxa ay nacayb iyo colaad dadka kale u hayaan.
Waad fajacaysaa waxa caloosha qudhun u ga buuxa ee ay cunqaacayaan marka ay qabiilkooda la keliyaystaan. Hadhowna wax aad arkaysaa iyagii oo aan wali mataggii iyo nijaastii ka afdhaqan oo dawlad iyo waxaa ka hadlaya.
Dadkaa awalba iyaga oo aamusan baynnu uurkooda akhrinaa, waayo dhaqankooda iyo mowqifkooda ayay ka muuqataa xaqiiqadu, keliya munaafaqnimada iyo fuleynimada ayaa sheyddaan ku caddibay. Masaakiin!
Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf
Hadalsame Media