”Nasiib mooyee si kale Kenya ugama guulaysanayso Somalia!” – Daily Nation oo qoray warbixin dheer oo gar-waaqsi ah (Qaybtii 2-aad)

0

(Nairobi) 23 Luulyo 2019 – In murannadan oo kale la xalliyo waxay u baahan tahay wada xaajood laba dhinacle ah, balse Somalia-Kenya arrintaa waa kuwii isku mari waayay, taasoo keentay in ay Somalia abbaarto xalka 2-aad oo ah maxkamad caalami ah sida loogu gar-naqay Cameroun-Nigeria, ayuu qoray The Nation oo warka sii wada. Halkan ka akhri qaybtii hore…

Intii u dhaxaysey 2000 ilaa 2010, dhamaanba murannadii dhanka badda waxaa lagu xalliyay wada xaajood. Celcelis ahaan xallinta kiisaskani waxay qaataan 6 sanadood. Muranka ay Kenya la doonatay Somalia wuxuu si rasmi ah maxkamad u tegey 2014, taasoo ka dhigan inuu haatan yahay 5 sano jir.

QIIMAYNTA XUKUNNADII HORE

Marka la eego dhamaanba go’aamadii hore ee maxkamadeed waxaa gebi ahaanba laa raacay xeerka equidistance oo ah midka ay Somalia doonayso.

Tusaale, bishii Maarso 1994-kii, Cameroon ayaa Maxkamadda la tagtay muran kala dhexeeyay Nigeria oo ay isku hayeen xadaynta badeed ee jasiirad u ekaha Bakassi Peninsula, si xal caalami ah looga gaaro.

Bishii Oktoobar 10, 2002, waxay Maxkamaddu xukuntay in Bakassi Peninsula ay jirto dhanka Cameroon iyadoo raacaysa xeerka equidistance principle.

Cameroon ayaa sidoo kale isku dayday in ay qaadato dhul badeedka Gacanka Gulf of Guinea iyadoo qiil ka dhiganaysa farqiga u dhexeeya ballaca xeebta Nigeria iyo midda Cameroon (sida ay wax ku doonayso Kenya), balse waxaa loo sheegay in aan la bedeli karin xeerka equidistance si loogu qar leexiyo Cameroon.

Marka la eego xadka dhuleed ee Kenya iyo Somalia waxaa meesha ka baxaysa xeeb siman. Waayo khadka equidistance wuxuu raacayaa xad-dhuleedka Somalia oo u fiiqan dhanka koonfureed (3°30´ Koonfur iyo 44°19´ Bari), taasoo ah midda ay Somalia ku doodayso.

Sidaa darteed, Kenya waa ku guul darraysanaysaa xeerkan oo ah midka ay aad ugu badan tahay in wax lagu xugmiyo.

Marka la eego in xad-badeedka Kenya iyo Tanzania uu marayo woqooyiga gasiiradda Pemba Island isagoo raacaya loolka toosan (latitude), waxay taasi ka dhigan tahay Dhul Badeedka Gaarka ah ee Kenya EEZ uu aad usoo koobmayo, hadii ay Somalia guulaysato, taasoo Kenya ka dhigaysa dal aan waxba dhaamin mid bad-xiran ah.

Waxa qura ee Kenya rajayn kartaa waa in dhulka Somalia loo xukumo, balse Kenya loo ogolaado inay khayraadka seddex-xagalkaa ku jira la wadaagto Somalia, ayuu the Nation kusoo afjaray warbixintiisa.

Dhamaad

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media